60 Qof Shacab Ah oo Ku Dhintay Shil Tareen oo Ka Dhacay Wadanka Cameroon.

Saturday October 22, 2016 - 08:00:22 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    60 Qof Shacab Ah oo Ku Dhintay Shil Tareen oo Ka Dhacay Wadanka Cameroon.

    Ugu yaraan 55 qof ayaa dhimatay tobaneeyo kalane waa ay dhaawacmeen kadib markii shil tareen uu ka dhacay wadanka Cameroon.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 55 qof ayaa dhimatay tobaneeyo kalane waa ay dhaawacmeen kadib markii shil tareen uu ka dhacay wadanka Cameroon.

Wasaaradda gaadiidka dowladda Kaamiruun ayaa ku dhawaaqday in ku dhawaad 60 qof ay ku dhinteen shil tareen oo ka dhacay meel ku dhow magaalada Caasimadda ah ee Yaoundé.

Tareenka oo si xowlli ah ku socday ayaa la sheegay in uu ka leexday wadada taasi oo keentay burbur xooggan oo  tareenka.

Saraakiisha Booliska Cameroon waxay xaqiijiyeen in dadka ku dhaawacmay shilka oo gaaraya 300 xaaladooda caafimaad ay liidato waxaana laga yaabaa in ay dhimashadu gaarto 70 qof.


Wararka ayaa intaasi ku daraya in Tareenka oo kusii jeeday magaalada xeebta leh ee Dawaala uu ku qalibmay meel ka baxsan wadada biraha ka sameysan ee Tareenadu isticmaalaan.

Khamiistii lasoo dhaafay roobab Mahiigaan ah oo ka da’ay Camerioon ayaa sababay in ay go’do wadada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Yaoundé iyo Dawaala taasi oo keentay in kumanaan qof ay u weecdaan dhanka adeegsiga Tareenada.

Dalka Cameroon ee dhaca galbeedka qaaradda Afrika wuxuu kamid yahay wadamada adduunka ugu faqrisan mana lahan adeegyo dhanka socodka ah oo horumarsan.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items