Dowladda Taliyaaniga Oo Xirtay dhowr Masjid oo ay lahaayeen dadka Muslimiinta ah ee ku nool Magaalada Rooma.

Saturday October 22, 2016 - 18:46:46 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Taliyaaniga Oo Xirtay dhowr Masjid oo ay lahaayeen dadka Muslimiinta ah ee ku nool Magaalada Rooma.

    Boqollaal ka tirsan Muslimiinta ku nool dalka Taliyaaniga ayaa maalintii shalay Salaadda Jimcaha kadib isugu soo baxay fagaare kuyaalla magaalada Roma, iyagoo ka cabanayay xiritaanka Shan ka mid ah Masaajidda ay leeyihiin dadka Muslimiinta oo kuyaall

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir Tusaale ah Masjid ay leeyihiin Muslimiinta
Boqollaal ka tirsan Muslimiinta ku nool dalka Taliyaaniga ayaa maalintii shalay Salaadda Jimcaha kadib isugu soo baxay fagaare kuyaalla magaalada Roma, iyagoo ka cabanayay xiritaanka Shan ka mid ah Masaajidda ay leeyihiin dadka Muslimiinta oo kuyaalla magaalada Caasimadda u ah dalkaasi.


Isku soo baxan oo ay soo qaban qaabisay Hey’ad u doodad Xuquuqda dadka Muslimiinta ah oo xarunteedu ku taallo dalka Bangladesh ayaa waxaa kasoo qeyb galay Boqollaal Muslimiin ah oo ku nool magaalada Roma iyo deegaanada u dhow dhow.

Muslimiinta isugu soo baxay fagaaraha ayaa waxay wateen boorar ay kaga dhiidhinayaan falalka ay ku kacday Dowladda Taliyaaniga, waxayna sheegeen in inkabadan boqol kun oo Muslimiin ah oo ku nool magaalada Roma inay saameysay tallaabta ay Dowladdu ku xirtay Masaajidda.



Mid ka mid ah dadka kasoo qeyb galay isku soo baxaas ayaa sheegay in Saraakiisha Dowladda Taliyaaniga ay Masaajidda u xireen iyagoo ku andacoonaya inay khilaafeen awaamiir ay Xukuumaddu soo saartay, balse wuxuu hadalkiisa kusii daray in taasi aan sabab loogu dhigi karin in Xukuumaddu ay irdaha isugu laabto Shan Masjid oo ay ku tukanayeen inkabadan boqol kun oo Muslimiin ah.

Dalka Taliyaaniga waxaa kuyaalla Masaajiddo tiro yar oo ogolaasho rasmi ah ka heysta Dowladda, iyadoona Muslimiinta dalkaas ku nool oo tiradooda lagu qiyaaso 1.6 Milyan ay badankood Salaadaha ku tukadaan guryo gaar ah oo ay kireystaan iyo Maraakizta diinta lagu barto ee ay Muslimiintu leeyihiin.

Dowladaha Kirishtaanka ah ee Yurub ayaa cadaadis xooggan waxay ku hayaan dadka Muslimiinta ah ee dalalkooda ku nool, waxaana dalal dhowr ah oo Yurub kuyaalla sida Faransiiska iyo Biljamka ay horey u mamnuuceen Niqaabka ay xirtaan dumarka Muslimaatka, iyadoo Dowladda Switzerland ay diiday in Minaarado loo sameeyo Masaajidda, halka Dowladda Taliyaanigana ay xirtay inta badan Masaajiddii ay Muslimiintu ku cibaadeysaneeyn ee kuyaallay magaalada Roma.

Related Items