Sawirro: Mashruuc Biya Gelin Ah oo Laga Hirgeliyay Magaalada Saakoow Ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Sunday October 23, 2016 - 06:45:17 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Mashruuc Biya Gelin Ah oo Laga Hirgeliyay Magaalada Saakoow Ee Gobolka Jubbada Dhexe.

    Shacabka ku dhaqan magaalada Saakoow ee gobolka Jubbada dhexe ayaa si diirran usoo dhaweeyay mashruuc biya gelin ah oo magaaladaasi laga hirgeliyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shacabka ku dhaqan magaalada Saakoow ee gobolka Jubbada dhexe ayaa si diirran usoo dhaweeyay mashruuc biya gelin ah oo magaaladaasi laga hirgeliyay.

Biyuhu waxay lagama maarnaan u yihiin Dadka iyo Duunyada iyo Noolaha kaleba,

Magaalada Saakoow ee Gobalka Jubada Dhexe inkastoo dadka ku nool ay biyo haysteen hadana ma ahayn kuwo Xaafadaha wada gaari jiray balse Shirkad cusub oo daruur la yiraahdo ayaa dhawaan laga hirgeliyay taas oo dhanka biyaha qaabilsan wax badanna ka bedeli doonto nolosha bulshada.

Munaasabadda furitaanka Shirkaadaan oo ka dhacday Xarunteeda Saakoow waxaa ka soo qeyb galay Maamulka Goballada Jubooyinka, Ganacsatada, odayaasha iyo qeybaha kale ee bulshada qaarkood.



Waxaa goobtaas looga hadlay baahida biyaha loo qabo iyadoo talooyin muhiim ah loo jeediyay milkiilayaasha shirkadda Biya gelinta Daruur.

Waaliga jubooyinka Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla oo dadka meesha lagu casuumay ka mid ahaa ayaa dar daaran qiima leh u soo jeediyay Shirkadda iyo guud ahaaan bulshada deegaanka.













Isha Sawirrada: Radio Alfurqaan

Related Items