Max'med Cabdi Yuusuf "Jeneraal Gabre oo Itoobiyaan Ah ayaa iga Reebay Liiska Xubnaha Aqalka Sare Ee Soomaaliya" Dhageyso.

Sunday October 23, 2016 - 08:45:58 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Max'med Cabdi Yuusuf "Jeneraal Gabre oo Itoobiyaan Ah ayaa iga Reebay Liiska Xubnaha Aqalka Sare Ee Soomaaliya" Dhageyso.

    Madaxa sirdoonka Melleteriga dowladda Itoobiya ee Soomaaliya ayaa ku mashquulsan sidii uu usoo xuli lahaa xildhibaanada Baarlamaanka dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jeneral Gabre ayaa si toos ah awaamir usiiya Madaxda Soomaalida
Madaxa sirdoonka Melleteriga dowladda Itoobiya ee Soomaaliya ayaa ku mashquulsan sidii uu usoo xuli lahaa xildhibaanada Baarlamaanka dowladda Federaalka.

Jeneraal Gabre ayaa ku guuleystay in liiska Xildhibaanada baarlamaanka soo socda uu ka reebo dhammaan siyaasiyiinta kasoo horjeeda gumeysiga Itoobiya ee Soomaaliya.

Max’med Cabdi Yuusuf oo ahaa R/wasaarihii xukuumadii Cabdi Qaasim Salaad ahaana xildhibaan katirsanaa DF-ka ayaa shaaciyay in Jeneraal Gabre isaga uu u diiday in uu kamid noqdo xubnaha Aqalka Sare ee Dowladda Federaalka.

Isagoo wareysi siinayay warbaahinta ayuu Max’med Cabdi Yuusuf Xaqiijiyay in aan gambasha laheyn uu Gabre ugu sheegay in aan lagu dari doonin liiska xildhibaanada baarlamaanka soo socda sababa la xiriira mucaaradadiisa ku aaddan mashruuca Itoobiya ee Soomaaliya.


"Jeneraal Gabre ayaa iga reebay liiska xubnaha aqalka sare ee dowladda, isaga ayaa soo xululayay xubnaha oo ka reebaya dhammaan siyaasiyiinta diidan gumeysiga Itoobiya ee Soomaaliya”ayuu yiri Max’med Cabdi Yuusuf.

Dood kulul oo sanaddii lasoo dhaafay uu qabtay mid kamida Telefeshinada Soomaaliya ayuu Xildhibaan Max’med Cabdi YuusufKu Kashifay gumeysiga dhabta ah ee Soomaaliya ku jirto arrinkaas oo ka caraysiiyay madaxda dowladda Federaalka iyo saraakiisha Xabashida Itoobiya.

Halkan ka dhageyso Wareysiga Xildhibaan Max'med Cabdi Yuusuf MP3

Related Items