Dhageyso: Wariye Kasoo Warramay Degmada Halgan Saacado Kadib Markii ay Ka Xuroowday Ciidamada Itoobiya.

Sunday October 23, 2016 - 11:33:19 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Wariye Kasoo Warramay Degmada Halgan Saacado Kadib Markii ay Ka Xuroowday Ciidamada Itoobiya.

    Maalmo Farxadeed ayaa usoo galay kumanaan qoys oo kunool magaalada Halgan ee gobolka Hiiraan bartamaha dalka Soomaaliya kadib markii ay isaga baxeen ciidanka gumeysiga Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir kontaroolka magaalada Halgan
Maalmo Farxadeed ayaa usoo galay kumanaan qoys oo kunool magaalada Halgan ee gobolka Hiiraan bartamaha dalka Soomaaliya kadib markii ay isaga baxeen ciidanka gumeysiga Itoobiya.

Maanta Barqadii ayay Halgan dib usoo ceshatay karaamadeedii luntay waxaana hadda magaalada si buuxda umaamulaya wilaayada Islaamiga Hiiraan.

Saraakiil katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa shacabka goob fagaara ah kula hadlay iyagoo ugu hambalyeeyay dib u xuroobidda magaaladooda.

Daqiiqado kadib markii Halgan ay dib ugusoo laabatay gacanta muslimiinta waxaa magaalada gaaray wariye Nuur Cali Warsame oo katirsan idaacadda Islaamiga Andalus.


Wariyaha ayaa booqday saldhigyadii ay ka baxeen ciidanka Itoobiya isagoona wareysiyo kasoo qaaday dadka magaalada Halgan ee dhibaatada ku qabay gumeystaha ciidanka Itoobiya.

Wariye Nuur Cali Warsame wuxuu soo sheegay in boqolaal qof shacab ah ay ku yaaceen saldhiggii ciidanka Itoobiya uga sugnaayeen Halgan iyagoona daldashay agabyo kala duwan oo Amxaaradu uga carareen saldhigga.

Dabaal degyo iyo mashxarado ayaa ka bilaawdo magaalada Halgan iyo deegaanada hoos yimaad, tani waxay muujinaysaa in soomaalidu ay dhibsatay oo ay hakatay gumeystaha shisheeye ee dalkooda kusoo duulay waxayna caleema qoyan kusoo dhowaynayaan ciidamada Xarakada Al Shabaab.

Halkan ka dhageyso Wariye Nuur Cali Warsame iyo shacabka Halgan.

Related Items