Jeneraal Sare oo ka tirsanaa Melleteriga Masar oo lagu Dilay magaalada Al-Qaahira.

Monday October 24, 2016 - 07:54:06 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jeneraal Sare oo ka tirsanaa Melleteriga Masar oo lagu Dilay magaalada Al-Qaahira.

    Kooxo hubeysan oo aan heybtooda la aqoonsan ayaa saakay waabarigii afaafka hore ee gurigiisa ee magaalada Al-Qaahira ku dilay Taliyihii Guutada 9aad ee Ciidamada Meliteriga ee dalkaasi Jeneraal Caadil Rajaa'i Ismaaciil.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxo hubeysan oo aan heybtooda la aqoonsan ayaa saakay waabarigii afaafka hore ee gurigiisa ee magaalada Al-Qaahira ku dilay Taliyihii Guutada 9aad ee Ciidamada Meliteriga ee dalkaasi Jeneraal Caadil Rajaa'i Ismaaciil.


Ilo wareedyo xagga ammaanka ah ayaa sheegay in rag wejiyada soo xirtay oo bastoolado ku hubeysan, islamarkaana saarnaa Mooto inay dhowr xabadood madaxa kala dhaceen Jeneraalka xilli uu kasoo baxayay gurigiisa oo kuyaalla Mandiqadda Al-Cubuur ee bariga magaalada Al-Qaahira.

Koox magaceeda ku sheegtay "Liwaa’u Thowrah” ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka Jeneraal Caadil Rajaa’i, waxaana qoraal ay soo dhigtay barta Internetka ay ku xustay in ragga weerarkaasi fuliyay in sidoo kale ay horey usii qaateen Bastooladdii uu sitay Jeneraalka.



Bishii August ee lasoo dhaafay ayaa Kooxdani waxay sidoo kale sheegatay Mas;uuliyadda weerar lagu dilay laba Askari oo Booliis ah, kaas oo lagu qaaday Saldhig kuyaalla Gobolka Al-Manuufiya ee Koonfurta dalkaasi.

Jeneraalkan la dilay ayaa waxa uu horey Mas’uul uga ahaa howl-gallada lagu bur burinayo godadka dhulka hoostiisa kuyaalla ee Saheyda ay usoo marto dadka Filastiiniyiinta ah ee ku go’doosan Jiidda Gaza ee dhulka Filastiin, wuxuuna noqonayaa Sarkaalkii ugu sarreeyay ee laga dilo Ciidamada Maamulka daba dhilifka ee dalka Masar tan iyo intii ay billowdeen howl-gallada Meliteri ee ka dhanka ah Maamulkaas keligii taliska ah ee afembiga kula wareegay xukunka dalkaasi.

Dhinaca kalena waxa loogu yeero Maxkmadda racfaanka ee dalka Masar ayaa shalay xukun xabsi ah oo gaaraya 20 Sano waxay ku ridday hogaamiyihii hore ee dalkaasi Maxamed Mursi, iyadoo Maxkamaddu ay diiday racfaan uu Mursi ka qaatay xukun ay horey ugu ridday Maxkamadda dembiyada ee magaalada Al-Qaahira.

Related Items