Dowladda Mareykanka oo Joojisay Qorshe ay ku dooneysay in ay ku hubeyso Kooxaha Mucaaradka ee dalka Suuriya.

Tuesday October 25, 2016 - 12:22:43 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Mareykanka oo Joojisay Qorshe ay ku dooneysay in ay ku hubeyso Kooxaha Mucaaradka ee dalka Suuriya.

    Warbixin uu qoray Wargeyska The Washintong Post ayaa lagu sheegay in Aqalka Cad ee dalka Mareykanka uu hakiyay qorshey ay soo bandhigtay Hey'adda Sirdoonka dalkaasi ee CIA, kaas oo hadafkiisu ahaa in Kooxaha Mucaaradka ee Suuriya la siiyo hub cu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixin uu qoray Wargeyska The Washintong Post ayaa lagu sheegay in Aqalka Cad ee dalka Mareykanka uu hakiyay qorshey ay soo bandhigtay Hey'adda Sirdoonka dalkaasi ee CIA, kaas oo hadafkiisu ahaa in Kooxaha Mucaaradka ee Suuriya la siiyo hub culus oo ay isaga difaaci karaan diyaaradaha dagaalka ee Ruushka.



Tallaabtani ayay Mareykanku doonayeen inay noqoto Istaraatiijiyaday ku cadaadin karaan Nidaamka Bashaar Al-Asad iyo Dowladda Ruushka, kadib markii ay fashilmeen dhammaan wadahadlladii dhex maray Mareykanka iyo Ruushka ee lagu doonayay in xal looga gaaro is faham-waaga labada dhinac ee ku aadan Xaaladda Wadanka Suuriya.

Sida uu Wargeyska sheegay, Aqalka cad ee dalka Mareykanka ayaa cabsi ka qaba in haddii hubka lidka diyaaradaha ay ku wareejiyaan Kooxaha Mucaaradka ee loogu yeero dhex-dhaxaadka inay suuragal tahay inuu hubkaas ay gacanta ku dhigaan Jamaacaatka Jihaadiga ee Mareykanka uu ugu yeero Argagixisada, iyadoo horey ay u dhacday in hub badan oo Xukuumadda Washintong ay siisay Kooxahaasi inuu gacanta u galo Mujaahidiinta.



Jamaacaatka Jihaadiga ee dalka Suuriya ka dagaallama, gaar ahaan Mujaahidiinta Jabhadda Fatxu Shaam ayaa horey u helay gantaalaha Casriga ah ee loo yaqaano "Taawga” ee lagu gubo Taangiyada, islamarkaana ay farsameyso Dowladda Mareykanka, iyadoo Saraakiisha Mareykanka ay Kooxaha Mucaaradka ee Suuriya ku eedeeyeen in hubka la siiyo ay ka iibiyaan Kooxaha uu Mareykanku ugu yeero Argagixisada.

Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Madaxda Hey’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA ayaa ku talinaya in loo soo wajaho fashilka xagga diblumaasiyadda ah inay lama huraan tahay in la hubeeyo Kooxaha Mucaaradka ee loo yaqaano Qunyar u socodka, si ay awood ugu yeeshaan inay iska difaacdaan weerarrada xagga cirka ah ee ay geysanayaan diyaaradaha dagaalka ee Ruushka.

Warbixinta Wargeyska Washintong Post waxay tilmaameysaa in qorshahaasi ay kasoo horjeedaan Mas’uuliyiin kale oo Mareykan ah oo uu ka mid yahay Wasiirka arrimaha dibadda Jhon Kerry iyo Madaxda Aqalka Cad, kuwaasi oo baqdin ka qaba in hubka culus iyo gantaalaha lidka diyaaradaha ee Casriga ah in marka dambe loo adeegsado in lagu waxyeeleeyo diyaaradaha dagaalka iyo kuwa rakaabka ee dowladaha reer galbeedka.

Related Items