Sawirro: Xoogaga Jeyshul Fatxi oo Ku Dhawaaqay Dagaal ay Hareereynta Uga qaadayaan Magaalada Xalab Dalka Suuriya.

Friday October 28, 2016 - 13:43:12 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Xoogaga Jeyshul Fatxi oo Ku Dhawaaqay Dagaal ay Hareereynta Uga qaadayaan Magaalada Xalab Dalka Suuriya.

    Isbaheysiga Jeyshul Fatxi oo ay ku midaysanyihiin inta badan xoogaga Islaamiga dalka Suuriya ayaa ku dhawaaqay Olole melleteri oo ay hareeraynta uga qaadanayaan magaalada Xalab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isbaheysiga Jeyshul Fatxi oo ay ku midaysanyihiin inta badan xoogaga Islaamiga dalka Suuriya ayaa ku dhawaaqay Olole melleteri oo ay hareeraynta uga qaadanayaan magaalada Xalab.

Telefeshinka Al Jazeera ee Afka Carabiga ku hadla ayaa baahiyay war uu kasoo xigtay mas’uul katirsan Jeyshul Fatxi kaasi oo sheegaya in ay bilaabeen ol ole melleteri.

Dhinaca kale Jamaacada Jihaadiga Fatxu Shaam ayaa ku dhawaaqday in saldhigyo melleteri ay gacanta ku dhigtay iyadoona dagaallo culus ay ka socdaan magaalada dacalka Koonfureed.

Sawirro ay Mujaahidiinta Fatxu Shaam ay ku baahiyeen Baraha Bulshada ayaa muujinayay ciidamo boqolaal ah ayaa dagaalka ka qeyb qaaanaya iyo gaadiid ay istish-haadiyiin hoggaaminayaan oo burburinaya saldhigyada ciidamada Nuseyriyiinta Bashaar Al-asad.


Jamaacaadka Jihaadiga Fatxu Shaam,Axraaru Shaam iyo Xisbiga Islaamiga Turkistaan ayaa ah kuwa ugu tunka weyn ee ka qeyb qaadanaya ololahan melleteri ee la doonayo in hareeraynta looga qaado dad ku dhow nus milyuun muslimiin Rayid ah kuwaas oo ku dhibaatayn Bariga Xalab.











Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items