Faah Faahin: Sarkaalkii Xukunka Dilka ah Ku Riday Wariye Xasan Xanafi oo Dhaawac u Dhintay.

Friday October 28, 2016 - 20:41:55 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin: Sarkaalkii Xukunka Dilka ah Ku Riday Wariye Xasan Xanafi oo Dhaawac u Dhintay.

    Mid kamida Mas'uuliyiinta dagaal oogayaasha ah ee Dowladda Federaalka ayaa u dhintay dhaawac kasoo gaaray weerar ay xarakada Shabaabul Mujaahidiin ugu geysatay magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Col.Mayoonge ayaa caan ku ah in uu dilo dhalinyarada Muqdisho
Mid kamida Mas'uuliyiinta dagaal oogayaasha ah ee Dowladda Federaalka ayaa u dhintay dhaawac kasoo gaaray weerar ay xarakada Shabaabul Mujaahidiin ugu geysatay magaalada Muqdisho.

Col. Mayoonge oo ahaa xeer ilaaliya ku xigeenka waxa loogu yeero Maxkamadda ciidanka qalabka sida ee dowladda Federaalka ayaa ku dhintay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho sida ay xaqiijiyeen saraakiil katirsan DF-ka.

Sarkaalkan ayaa dhaawac halis ah ku noqdeen weerar ay ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab ugu geysteen meel ku dhow madaxtooyada Villa Somalia bishii September 2016 daba yaaqadeedii 32 maalmood ka hor.


Col.Mayoonge ayaa ahaa dagaal ooge xukunno dilal ah ku ridi jiray dhalinyarada gobolka Banaadir ee ku eedaysan dambiyada waxa loogu yeero Argagaxisada.

Mayoonge ayaa xukunkii ugu dambeeyay ku riday Allaha u naxariistee Xasan Xanafi Xaaji oo kamid ahaa saxafiyiinta Mujaahidiinta ah ee taariikhda dahabiga ah ku dhax lahaa saxaafadda Islaamiga ah.

Dhaqaatiirta isbitaalka Madiina waxay sheegeen in xaaladda caafimaad ee Col.Mayoonge ay maalmihii lasoo dhaafay sii xumaanaysay mana helin adeeg caafimaad oo taya leh taasi oo muujinaysa in madaxda dowladda Federaalka ay dayaceen kadib markii ay ku shaqeysteen oo ay lugta u geliyeen dagaal uusan ka bixi Karin.

Mas'uulkan laga dilay dowladda Federaalka waxay si aad ah isugu dhawaayeen Cabdi Raxmaan Tuur Yare madaxii hore ee sirdoonka dowladda Federaalka oo ay ku saaxiibeen xasuuqa dhalinyarada Muqdisho ee aan waxba galabsan.

Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab Afhayeenka ciidanka Xarakada Al Shabaab ayaa horay u sheegay in ay shacabka Muqdisho uga aargudayaan kuwa xukunada daldalaadda ah ku ridaya wiilashooda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items