Xildhibaan Afaraale "Ciidamada Dowladda iskama difaaci karaan Al Shabaab, Bixitaanka ciidanka Itoobiya waa mid musiibo Ah" Wareysi.

Saturday October 29, 2016 - 10:09:41 in Wararka by
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Afaraale "Ciidamada Dowladda iskama difaaci karaan Al Shabaab, Bixitaanka ciidanka Itoobiya waa mid musiibo Ah" Wareysi.

    Xilli ay ciidamada Xabashida Itoobiya isaga baxeen degmooyin iyo deegaanno istiraatiiji ah oo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya ayay xarakada Al Shabaab ula wareegaysaa dhul baaxad leh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maleeshiyaadka DF-ka ayaa ah kuwa tabar daran
Xilli ay ciidamada Xabashida Itoobiya isaga baxeen degmooyin iyo deegaanno istiraatiiji ah oo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya ayay xarakada Al Shabaab ula wareegaysaa dhul baaxad leh.

Ciidamada Itoobiya waxaa duullaanka ay kusoo qaadeen ku wehliya maleeshiyaad calooshood u shaqeystaal Soomaali ah, maleeshiyaadkan waxay ciidan qaran u yihiin dowladda Federaalka ee gumeystaha la shaqeysa.

Marka ciidamada Itoobiya isaga baxaan magaalo ama deegaan maleeshiyaadkii ciidanka qaran lagu sheegayay kama haraan ciidanka Itoobiya ee waa ka daba lugeeyaan xataa Itoobiyaanku uma ogola in gaadiidkooda dagaalka ay la raacaan.


Xildhibaan Afaraale oo katirsan Baarlamaanka DF-ka ayaa xaqiijiyay in dowladda uu katirsanyahay aysan laheyn ciidan isagoo ku cataabay magaalooyinkii dhowaan laga qabsaday.

Wuxuu qiray in ciidamadoodu aysan awoodin in ay ubabac dhigaan xarakada Shabaabu Mujaahidiin, Afaraale ayaa taak darida heysata ciidankooda usababeeyay cunaqabateyn dhanka hubka ah oo heysata iyo iyagoo aan helin Mushaar joogta ah.

"Askarigu wuxuu leeyahay sedax calool oo kala ah caloosha xaaskiisa, calooshiisa iyo caloosha qoriga uu ku dagaallamayo intaas haddii aan la helin askarigu dagaal mageli karoā€¯ayuu yiri Afaraale.

Wareysi dhinacya badan taabanaya oo Afaraale uu siiyay Idaacadda Islaamiga Alfurqaan ayuu uga hadlay la wareegistii degmada Tayeegloow ee ciidanka Al Shabaab iyo ka bixitaanka ciidanka Itoobiya ee la filayo in ay ka baxaan deegaano Bakool katirsan.

Halkan ka dhageyso Wareysiga Afaraale MP3

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items