Mareykanka oo Muwaadiniintiisa Ku Booriyay in ay isaga Baxaan Wadanka Turkiga.

Sunday October 30, 2016 - 15:17:24 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo Muwaadiniintiisa Ku Booriyay in ay isaga Baxaan Wadanka Turkiga.

    Mareykanka ayaa amray Qoysaska Shaqaalaha ka shaqeeya Qunsuliyadda uu ku leeyahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga inay ka baxaan dalkaasi, iyadoona digniin laga bixiyo inay dhici karaan weerarro lagu beegsado dadka Ameerikaanka ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

dhismaha safaaradda USA ee Ankara
Mareykanka ayaa amray Qoysaska Shaqaalaha ka shaqeeya Qunsuliyadda uu ku leeyahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga inay ka baxaan dalkaasi, iyadoona digniin laga bixiyo inay dhici karaan weerarro lagu beegsado dadka Ameerikaanka ah.


Digniintan ayaa noqoneysaa tii labaad ee wax ka yar hal todobaad gudihiisa ay soo saarto Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka, islamarkaana ku socota Muwaadiniinta Mareykanka ah ee ku nool dalka Turkiga.

Go'aanka lagu daad gureynayo Qoysaska Shaqaalaha ka howl-gala Qunsuliyadda Mareykanka ee magaalaa Istanbul waxa uu ka dambeeyay kadib markii sida la sheegay la helay xogo dhanka Sirdoonka ah oo sheegaya in Kooxo hubeysan ay qorsheynayaan inay weerarro ku beegsadaan goobaha ay ku sugan yihiin Muwaadiniinta Mareykanka ee magaalada Isntanbul.



Isniintii lasoo dhaafay, Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa soo saartay digniin tan la mid ah oo ku socota Muwaadiniinta dalkaasi u dhasay ee doonaya inay safarrada iyo dalxiiska ku tagaan gobollada kuyaalla Koonfurta bari ee Wadanka Turkiga.

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Ordagan ayaa dhowaan ku dhawaaqay in lasii kordhiyay xaaladda deg degga ah ee dalkaasi lagu soo rogay, taas oo ka dambeysay kadib markii 15kii bishii July ee bartamihii Sanadkan uu dalkaasi ka dhacay Afgembi ay sameeyeen Saraakiil Meliteriga ka tirsan, kuwaas oo doonayay inay inqilaabaan Xukuumadda uu hogaamiyo Ordagan.

Dowladda Turkiga ayaa horey Mareykanka uga dalbatay inay kusoo wareejiso Hogaamiyaha Mucaaradka ee lagu magacaabo Fatxullaah Golan, kaas oo ay Xukuumadda Ankara aaminsan tahay inuu soo maleegayay Afgembigii fashilmay ee bishii July ka dhacay dalkaasi.

Related Items