Sacad Al-Xariiri oo loo Magacaabay R/wasaaraha Cusub Ee Wadanka Lubnaan.

Thursday November 03, 2016 - 18:45:17 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 1
  • Share via Social Media

    Sacad Al-Xariiri oo loo Magacaabay R/wasaaraha Cusub Ee Wadanka Lubnaan.

    Wadanka Lubnaan waxaa lasoo gaba gabeeyay khilaafkii u dhaxeeyay siyaasiyiinta wadankaasi muddo 30 bilood ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadanka Lubnaan waxaa lasoo gaba gabeeyay khilaafkii u dhaxeeyay siyaasiyiinta wadankaasi muddo 30 bilood ah.



Madaxweyne 4 maalmood ka hor looga dhawaaqay magaalada Beyruut ayaa maanta magacaabay R/wasaaraha cusub ee xukuumadda Lubnaan sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinta.

Meeshal Cown madaxweynaha cusub ee Lubnaan ayaa  R/wasaare u magacaabay Sacad Al Xariiri oo sanaddii 2009 R/wasaare kasoo noqday Lubanaan.

Al-Xariiri  oo 46 sana jir ah ayaa hoggaaminaya xisbiga Al-Mustaqbal oo ay ku midaysanyihiin siyaasiyiinta dabadhilifyada ah ee kasoo jeeda muslimiinta sunniga Lubnaan.



Xisbigan waxaa taageera lixaad leh siisa dowladda Aala Sacuud, isbuucii lasoo dhaafay ayuu Sacad Al-Xariiri si lama filaan ah ugu dhawaaqay in uu taageersanyahay Meeshal Cown oo islamarkiiba madaxweyne loo doortay.

Qarax bishii Feberaayo 2005 ka dhacay Lubnaan ayaa lagu dilay Rafiiq Al Xariir oo si weyn ugasoo horjeeday siyaasadda Ururka Xisbullaah iyo dowladda Suuriya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items