Sedax Katirsan Saraakiisha Mareykanka oo lagu Dilay Toogasho ka Dhacday Dalka Urdun.

Saturday November 05, 2016 - 09:54:13 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sedax Katirsan Saraakiisha Mareykanka oo lagu Dilay Toogasho ka Dhacday Dalka Urdun.

    Ugu yaraan sedax sarkaal Mareykan ah ayaa lagu dilay weerar hubeysan oo ka dhacay meel ku dhow magaalada Cammaan ee caasimadda wadanka Urdun.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan sedax sarkaal Mareykan ah ayaa lagu dilay weerar hubeysan oo ka dhacay meel ku dhow magaalada Cammaan ee caasimadda wadanka Urdun.

War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda G/dhigga Mareykanka ayaa lagu sheegay in toogasho ka dhacday saldhig tababar oo Urdun kuyaal lagu dilay sedax sarkaal.

Mareykanku faah faahin dheeri ah kama bixin cidda dilka gaysatay balse wuxuu sheegay in ay socdaan baaritaanno ku aaddan sababta toogashada dhalisay.

Taliyaha ciidanka melleteriga Urdun ayaa sheegay in wadaha kaxaynayay gaariga ay la socdeen saraakiisha American-ka ah ee la toogtay uu ka dhega adeygay amar kaga yimid ciidanka Urdun oo ahaa in uu joojiyo gaariga.


Warbaahinta maxalliga Urdun waxay sheegtay in toogashadu ka dhacday maalintii jimcaha saldhigga Amiir Faysal mandiqadda aljafar ee Koonfurta Urdun.

Kumanaan katirsan saraakiisha Mareykanka ayaa qaab tababaranimo ku jooga wadanka Urdun waxayna ciidamada Urdun uleyliyaan la dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items