Baadari Yuweri Museveni Sidee u Arkaa Dib Ugurashada Ciidanka Itoobiya Ee Soomaaliya iyo is Ballaarinta Xarakada Al Shabaab?.

Sunday November 06, 2016 - 11:59:22 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baadari Yuweri Museveni Sidee u Arkaa Dib Ugurashada Ciidanka Itoobiya Ee Soomaaliya iyo is Ballaarinta Xarakada Al Shabaab?.

    Hoggaamiyaha wadanka Uganda ayaa shaaca ka qaaday in xukuumaddiisa iyo beesha caalamka ay walaac ballaaran ka muujinayaan ka bixitaanka ciidanka Itoobiya ee dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Museveni marna waa Baadari marna waa madaxweyne sida ay faafisay Jariiradda TheStar
Hoggaamiyaha wadanka Uganda ayaa shaaca ka qaaday in xukuumaddiisa iyo beesha caalamka ay walaac ballaaran ka muujinayaan ka bixitaanka ciidanka Itoobiya ee dalka Soomaaliya.

Yuweri Museveni madaxweynaha Uganda ayaa saraakiil reergalbeed ah u sheegay in dib ugurashada ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya ay halis ku tahay ciidamada ka socda Midowga Afrika ee qaabka nabad ilaalineed u jooga Soomaaliya.

Isagoo Saraakiil Faransiis iyo Britain ah kula kulmayay hotel kuyaal magaalada Kampala ayuu carrabka ku adkeeyay in dib uqabsashada xarakada Al Shabaab ee magaalooyin waaweyn ay muujinayso tabar darrida DF-ka.


Museveni ayaa fadeexadeeyay hoggaanka dowladda Federaalka oo uu sheegay in aysan laheyn fikir iyo karti oo ay yihiin kuwa qaab beeleed ukala qeybsan wuxuuna xukuumadda Xasan Gurguurte ku canaantay in aysan laheyn ciidan awooda in ay ubabac dhigaan ciidamada Shabaabul Mujaahidiin.

" Ka bixitaanka ciidanka Itoobiya ee soomaaliya waa arrin aan wanaagsanayn balse hoggaamiyaasha soomaalida malahan Fikir iyo talo ay ciidan taya leh ku dhisanayaan marka AMISOM ay dalka ka baxdo maxaa u ciidan ah” ayuu is weydiiyay Madaxweynaha Uganda.

isagoo kulan gaar ah la yeelanayay safiiradda cusub ee Faransiiska u qaabilsan wadanka Uganda haweenayda lagu magacaabo Stephanie Rivoa ayuu Museveni sheegay war u muuqday dhaqaale abuur isagoo yiri "Haddii Midowga Yurub lacag taakula ah bixiyaan Uganda waxay awooddaa in ay buuxiso booska ay baneeyeen ciidanka Itoobiya soomaaliyana nabad ayaan kusoo dabaali karnaa”!.

Ku dhawaad 100 Askari oo katirsan melleteriga Uganda ayaa lagu dilay weerar ka dhacay degmada Janaale sanaddii 2015 waxaana saladhiggii AMISOM ee Uganda iyo magaalada si buuxda ula wareegay ciidamada Mujaahidiinta.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sedaxdii bilood ee lasoo dhaafay dib ula wareegtay 9 magaalo oo dhaca Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya kadib markii ay isaga baxeen ciidanka Itoobiya waxaana u dambeysay magaalada istiraatiijiga ah ee Tayeegloow.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items