Taliban oo Sheegatay Mas'uuliyadda Weerar Lagu Qaaday Qunsuliyadda Jarmalka Ee Wadanka Afghanistan.

Friday November 11, 2016 - 08:49:30 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliban oo Sheegatay Mas'uuliyadda Weerar Lagu Qaaday Qunsuliyadda Jarmalka Ee Wadanka Afghanistan.

    Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay weerar xooggan oo lagu qaaday dhismaha Qunsuliyadda dowladda Jarmalka ay ku leedahay waqooyiga wadanka Afghanistan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burbur ka dhashay weerarka magaalada MAZAR-I-SHARIF
Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay weerar xooggan oo lagu qaaday dhismaha Qunsuliyadda dowladda Jarmalka ay ku leedahay waqooyiga wadanka Afghanistan.

Wararka ka imaanaya magaalada Kabul ayaa sheegaya in weerar laba afle ah oo lagu qaaday xarunta Qunsuliyadda Jarmalka ee magaalada Mazaaru Shariif lagu dilay tobaneeyo qof oo dad reergalbeed ah kamid yihiin.

Weerarka oo isugu jiray camaliyad istish-haadi ah iyo mid inghimaashi ah ayaa lala helay xarunta xilli halkaasi ay ku sugnaayeen saraakiil caddaan ah iyo ciidamo katirsan isbaheysiga NATO.

Sheekh Dabiixullaahi Mujaahid oo u hadlay Xarakada Islaamiga Taliban ayaa warbaahinta u sheegay in xoogagoodu ay qaadeen weerarka oo jawaab celin u ahaa xasuuq ay diyaaradaha NATO ka geysteen bishii October gobolka Qunduuz halkaasi oo lagu dilay ku dhawaad 60 qof oo shacab ah.


Taliban waxay ku hanjabtay in ay sare u qaadi doonto weerarada ka dhanka ah dowladaha ku bahoobay isbahaysiga NATO ee Afghanistan ku duulay.
Dhinaca kale dowladda Jarmalka ayaa xaqiijisay in dhismaha qunsuliyadooda weeraro aad u xoog badan lagu dilay balse waxay diiday in ay soo bandhigto khasaaraha saraakiisheeda kasoo gaaray weerarkaasi.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
somalimemo@gmail.com

Related Items