Mudaaharaadyo Ka Dhan Ah Donald Trumo oo Mareykanka Kasii Socda iyo Hillary Clinton oo FIB-da Eedaysay.

Sunday November 13, 2016 - 12:29:34 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mudaaharaadyo Ka Dhan Ah Donald Trumo oo Mareykanka Kasii Socda iyo Hillary Clinton oo FIB-da Eedaysay.

    Markii ugu horraysay Hillary Clinton oo looga adkaaday doorashooyinkii madaxtinimo ee dalka Mareykanka ka dhacday ayaa ku dhawaaqday in ay ka biya diidan tahay qaabkii wax loo maareeyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii ugu horraysay Hillary Clinton oo looga adkaaday doorashooyinkii madaxtinimo ee dalka Mareykanka ka dhacday ayaa ku dhawaaqday in ay ka biya diidan tahay qaabkii wax loo maareeyay.

Clinton ayaa guul darradeeda u sababeysay madaxa ugu sarreya hay’adda FBI-da Ninka lagu magacaabo James Comey.

Hillary Clinton oo la hadlaysay dadkii maalgelinayay Ol Olaheeda doorashada ayaa sheegtay in warkii kasoo baxay FBI-da maalmo ka hor intii aysan doorashadu dhicin uu dhaawac weyn u geystay mashruuceedii doorashada.

James Comey ayay ku eedaysay in uu dib saaxada siyaasadda ugeeyay murunka ku aaddan fariimihii Clinton ay ka dirtay Email-keeda khaaska ah xilligii ay aheyd wasiiradda arrimaha dibadda Mareykanka.


Agaasimaha FBI-da wali wax jawaab ah kama bixin eedaynta uga timid Clinton, malaayiin qof Mareykan ah ayaa layaabay sida lama filaanka ah ee uu doorashada ugu guuleystay Trump oo ah Nin ku caanbaxay cunsuriyad iyo islaam nacayb.

Dhinaca kale magaalooyinka waaweyn ee wadanka Mareykanka wali waxaa kasii socda dibad baxayo ballaaran oo loogasoo horjeedo madaxweynaha Cusub ee Mareykanka.

Boqolaal kun oo qof ayaa mudaaharaadyo ka dhigaya magaalooyinka New York, Washington iyo gobollada waaweyn ee wadankaasi, dadka iskusoo baxyada dhigaya ayaa ku qeylinaya erayo ka dhan ah Donal Trum madaxweynaha cusub ee wadanka Mareykanka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]



Related Items