Dhageyso: Abwaan C/llaahi Soomaali iyo Gabayga Wayaane.

Sunday November 13, 2016 - 09:08:01 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Abwaan C/llaahi Soomaali iyo Gabayga Wayaane.

    Gabaygaan waxaan ka tiriyay xukunka tireega ee liiq liiqanaya iyo in maanta uu dhex taagan yahay dabkuu horay u shiday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabaygaan waxaan ka tiriyay xukunka tireega ee liiq liiqanaya iyo in maanta uu dhex taagan yahay dabkuu horay u shiday.



Qeybaha hore waa hoga tus aan ku muujinayo in wax kastoo mudda jiraa maalin dhamaanayaan aakhirkana waxaan u daadegayaaa biyo dhaca ama meesha aan u socday oo ah soo bandhigidda xaaladda tigeega haysata maadaama kacdoono ka dhan ah oo dhiig badan ku daatay cirka isku shareereen.

Halkan Ka Dhageyso Gabayga Wayaane.



Halkaan Hoose Ka Akhriso Qoraalka Gabayga.

Geela oon wax dheefkiisa jeer laga dhamaaneynin,

Oo dhigaalka reeraha iyo qaran dhigiisiiye,

Wixii dhiil karuuriyo hadba dhayda laga keeno,

Mar umbaa dhakal xoorliyo dhiiqa laga weyne.

ninkastoo dhasha oo aduun dhacarsadee jooga,

dhalaan iyo haween iyo wuxuu duunyo dhaqayaaba,

dhaldhaalka beenta wuxuu dhugayo ee fiirsho,

mar umbaa dhadhaab lagu ridaa laguna dheereyne,

Markabkaba dheddig iyo labood waxay ku dhoofaanba,

Dharya dahab iyo dheeha geel dhuxul wuxuu qaado,

Mowjadaha dharbaaxaa wuxuu yara dhex jiiraaba

Mar umbuu intuu kala dhaco kala dhumaayaaye,

Awrkuba wuxuu dhirinbiyee dhibida seyraaba,

Dhawaqiisa yaab kale wuxuu dhebedku yeeraaba,

Dhalin noqoyaayaa iyo cudur dhinac weeraamaaba

Mar umbuu dhaqaaq iyo gebaa inuu dhir laacaaye,

Dhoolkuba wixii uu hillaac dhalac ka siiyaaba,

Gugac dhagagacdiisii waxaad dhab u dareetaaba

Dhankastaba wuxuu kaa xigee dhibacdu hoortaaba

Mar umbuu ku dhaafaa wuxuu dhababaceeyaaba,

Dhesheegaba wixii ay biyuhu dhalada joogaanba,

Dhinacyada wixii uu ku shubo amaba soo dhoobo,

Nafle oon la dheygagay wuxuu yara ka dhuuqaaba,

mar umbaad wax dhuub qaadiyo dhura ka weydaaye,

Aarkuba wuxuu soo dhakado oo dhabacayaaba,

Reeraha intuu dhaco wuxuu neef la dheelmadaba,

Wuxuu howd ku dhuuntoo hurdoo kaynta dhacadiido,

Mar umbaa mid dhiiluu qabaa baas la dhacayaaye,

Beentii la dhoodhooba iyo shaygi dhalanteeda,

Aadmiga wixii lagu dhagree lagu dhibaal geysto,

Naxligii qoluu dhaashan ee dheega sare jooga,

Mar umbaad sidii dharab iyo dhedo u weydaaye,

Taliskii dhabbaan ceel tegeyn dhaanka ku hogaansha,

Fikradaha dhufaankaa wuxuu dhiiri geliyaaba,

Dhegahana ka daarsado wixii lagu dhaliilaaba,

Dheri jabay marbuu noqonayaa ama dhantaalmaaye,

tigreegii dhimirkii wacnaa dhooba laga saaray,

Dharaar iyo habeenkii wuxuu dhaawac daran geysto,

Xukunkiisii waa dheeliyay dhiig wuxuu quba’e,

Ilaahoow dhidibkii dumaa dhabarkanoow beelo.

Waayanihii dhibbaa haysta oo waa dhutinayaaye,

sun wuxuu dhitay jiray hadduu dhuunta mariyaaye,

dhedhenkeeda maantuu hayaa iyo dhanaankeede,

dhamacduu shidaayiyo wuxuu dhamalo saaraayay,

inta kale siriqduu dhigay yuu dhexduu galay’e,

dhudhumada dhamaadkoodiyo dhaadadkaa xiran’e,

dhiftin laga furaana male dhimasha mooyaane,

Dhangaxihii amxaarada dagay dhaahsay oo hoday’e,

dhambaacadka waa kaa u yaal meesha dhadigaaye,

ilmadiisu waa taa dhacleyn oo ka dhobo’layne

dhabankiisa waa kaa carriyo dhidid ku yaaliine,

dhaxantiyo qaboonaduna waa dhowrayaan weli ’e,

malaayiinta dhiidhiyay haddee dhirifkaa qiirooday,

dhididkooda guuraa iyo dhagaxyaday tuuri,

jabhadaha dhinac taagan iyo dhiiladiyo waawda,

dhul gariir sidiisii falkaan nuuxshay dhigihiisa

dhismiisa wuu guba hayaa dhami inshaallaahu.

Dhaxalkuna itoobiya in ay dhimato weeyaane.

Waxaa tiriyay Abwaan Wariye Cabdulaahi Soommaali.

Related Items