Sawirro+Codad:Wafdi Ka Socday Xarakada Al Shabaab oo Kormeer Ku Tagay Magaalooyin iyo Deegaanno Katirsan Gobolka Mudug.

Monday November 14, 2016 - 17:18:23 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro+Codad:Wafdi Ka Socday Xarakada Al Shabaab oo Kormeer Ku Tagay Magaalooyin iyo Deegaanno Katirsan Gobolka Mudug.

    Mas'uuliyiin ka socotay wilaayaatka Islaamiga Galguduud iyo shabeellaha dhexe ayaa socdaal ku tagay deegaanno iyo degmooyin katirsan gobolla Mudug ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mas'uuliyiin ka socotay wilaayaatka Islaamiga Galguduud iyo shabeellaha dhexe ayaa socdaal ku tagay deegaanno iyo degmooyin katirsan gobolla Mudug ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.

Socdaalkaan oo ahaa mid bulshada lagu dhiiri gelinayay in ay isbarbar taagto ku dhaqanka shareecada Islaamka waxaa qeyb ka ahaa Odayaal dhaqameeyo iyo abwaana Soomaaliyeed.

Mas'uuliyiin ay kamid ahaayeen Sheekh Xasab Yacquub Cali Waalliga Galguduud, Sheekh Yuusuf Kaba Kutukade Waaliga Sh/dhexe iyo Sheekh Abuu Cadnaan Waaliga Mudug ayaa shacabka ku dhaqan magaalooyinka Xarardheere iyo Jowllo kula hadlay fagaarayaasha iyo Masaajidda waxayna uga warbixiyeen halka uu marayo dagaalka ka dhanka ah ciidamada gumeysiga ee Soomaaliya kusoo duulay.


Saraakiisha ka socota Shabaabul Mujaahidiin ayaa shacabka ku dhaqan gobolka Mudug kula dardaarmay in ay kasoo dhalaalaan kaalintooda ku aaddan halganka lagula jiro ciidamada Xabashida Itoobiya iyo xulufadeeda AMISOM.

Kulamada oo ka dhacay Masaajidda iyo fagaarayaasha waxaa ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee Bulshada gobolka Mudug, salaadiin iyo Abwaano soomaaliyeed ayaa iyana qeyb ka ahaa socdaalka lagu taageerayay ku dhaqanka shareecada Islaamka ee Mudug.

Abwaaniinta socdaalka qeybta ka ahaa waxaa kamid ahaa Abwaan Taakoow Macalin Ciise iyo Abwaaniin kale kuwaasi oo gabayo guubaabo xambaarsan ka jeediyay fagaarayaasha gobolka Mudug.

Halkan ka dhageyso Kalimadda Sheekh Xasan Yacquub MP3
Halkan ka dhageyso Kalimadda Sheekh Abuu Cadnaan+Gabay MP3

















Related Items