Dhageyso: Barnaamij Gaar ah oo Ku Saabsan Fashilka Hareeyay Hanaanka Doorashada Dowladda Federaalka.

Saturday November 19, 2016 - 07:31:16 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Barnaamij Gaar ah oo Ku Saabsan Fashilka Hareeyay Hanaanka Doorashada Dowladda Federaalka.

    Waxa loogu yeero Beesha Caalamka iyo dhammaan dhinacyada ku lugta leh gumeysiga lagu haayo Soomaaliya ayaa walaac ballaraan ka muujinaya habsami u socodka qaban qaabinta doorashooyinka DF-ka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa loogu yeero Beesha Caalamka iyo dhammaan dhinacyada ku lugta leh gumeysiga lagu haayo Soomaaliya ayaa walaac ballaraan ka muujinaya habsami u socodka qaban qaabinta doorashooyinka DF-ka.



Guddiga loogu magac daray doorashooyinka dadban ee Federaalka ayaa dhowr mar soo saaray warsaxaafadeedyo ay ku sheegayaan in dib udhac ku yimid doorashooyinka.

Walaaca ugu daran ee laga muujinayo doorashooyinka ayaa ah laaluush iyo gadasho dhanka jagooyinka ah oo uu ku dhaqaaqo Xisbiga Damul Jadiid ee Xasan Sheekh Maxamuud Madaxda ka yahay.

Caqabada buura ah ayaa ku horgudban doorashadii xayaysiiska ay u sameynayeen hoggaanka Dowladda Federaalka iyo waxa loogu yeero beesha caalamka.



Haddii uu sii dheeraado xarig jiidka doorashada Hoggaanka DF-ka ayaa laga cabsi qabaa in dagaal dhiig ku daato dhax maro siyaasiyiinta u ooman in Mar uun madaxeyne loogu yeero.

Haddaba Barnaamij Gaar ah oo ay qabatay Idaacada Islaamiga Alfurqaan ayaa lagu faaqiday doorashooyinkaasi iyo waxa ay kaga dhiganyihiin umadda Soomaaliyeed.

ka Qeybgalayaasha Barnaamijka.

1-Dr Xanafi Cabdi Sheekh Aadan.

2-Maxamed Axmed Guuleed.(Fartaag)

3-Axmed Cismaan.

Halkan ka dhageyso Barnamijka MP3

Isha Maqalka: Radio Alfurqaan


Related Items