Kacdoonka Shacbiga Itoobiya oo Xoogeystay iyo Xukuumadda oo Saxaafadda Afka Qabatay Warbixin.

Sunday November 20, 2016 - 08:47:31 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kacdoonka Shacbiga Itoobiya oo Xoogeystay iyo Xukuumadda oo Saxaafadda Afka Qabatay Warbixin.

    Xukuumadda Itoobiya ayaa sare uqaadday caburinta kooxaha mucaaradka ah ee kasoo horjeeda siyaasadeeda xilli uu sii xoogeystay kacdoonka wadankaasi ka socda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Itoobiya ayaa sare uqaadday caburinta kooxaha mucaaradka ah ee kasoo horjeeda siyaasadeeda xilli uu sii xoogeystay kacdoonka wadankaasi ka socda.

Hay’adaha u dooda xuquuqul insaanka waxay sheegeen in Melleteriga Itoobiya iyo laamaha sirdoonka ay tobanaan kun oo qof ka raafeen gobollada Amhara iyo Oromia oo ah labada gobol ee ugu daran oo ay kacdoonadu ka socdaan.

Beegsiga Ugu daran ayay ciidamada Itoobiya ugeysanayaan ragga wararka faafiya, sida lagu daabacay shabakadda AllAfrika dowladda Itoobiya waxay afka qabatay dhammaan qalabka warbaahinta maalliga ah.


Warbixintu waxay sheegaysaa in lagasoo bilaabo 29,October 2016 illaa 12,November 2016 ay ciidamada Itoobiya  jeelasha udhaadhiciyeen dad ka badan 11-kun oo ruux oo  boqolaal kamid ah ay saxafiyiin yihiin.

AllAfrika ayaa ku eedaysay maamulayaasha Itoobiya in ay la wareegeen qalab warbaahineed oo gaar loo leeyahay islamarkaana ay wadanka ka dhigeen meel aan lagasoo warrami Karin.

Dadka la qabtay waxaa kamid ah goob joogayaal wareysi siiyay shabakad Mareykanku maalgeliyo oo ku hadasha codka dadka Amxaarada.

Itoobiya ayaa lagu eedeeyay in ay soo rogtay qawaaniin ad-adag oo saxafiyiinta udiidaya in ay soo tabiyaan kacdoonka shacbiga dhiigga badan ku daatay.

Mucaaradku waxay xaqiijiyeen in kacdoonka shacbiga ah uu wali si xowlli ah ku socdo balse caalamka laga qariyay kadib markii xukuumadda Itoobiya ay jartay isgaarsiinta taleefanada iyo Internetka.

R/wasaaraha Itoobiya ayaa xaalad degdeg ah oo socanaysa muddo 6 bilood ah socanaysa waana isku day kale oo lagu doonayo in lagu joojiyo kacdoonka shacbiga.

Guji Isha Warka

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items