Dibadbaxyo lagu lagu dalbanayay in xukun dil ah lagu fuliyo Nin u gefay Nabi Muxamed SCW oo ka dhacay Dalka Moriteeniya

Monday November 21, 2016 - 07:27:46 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dibadbaxyo lagu lagu dalbanayay in xukun dil ah lagu fuliyo Nin u gefay Nabi Muxamed SCW oo ka dhacay Dalka Moriteeniya

    Kumanaan dibad baxayaal ah ayaa shalay Salaaddii Jimcaha kadib waxay isugu soo baxeen fagaarayaal kuyaalla magaalada Nawaak-Shood ee Caasimadda dalka Moriteeniya, iyagoona dalbanayay in la fuliyo xukunkii dilka ahaa ee lagu riday Nin qoraa ah oo lagu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kumanaan dibad baxayaal ah ayaa shalay Salaaddii Jimcaha kadib waxay isugu soo baxeen fagaarayaal kuyaalla magaalada Nawaak-Shood ee Caasimadda dalka Moriteeniya, iyagoona dalbanayay in la fuliyo xukunkii dilka ahaa ee lagu riday Nin qoraa ah oo lagu magacaabo Muxamed Sheekh Walad, kaas oo Maqaal uu qoray ku Aflagadeeyay Nabi Muxamed SCW.

Dibad baxayaasha ayaa waxay wateen boorar ay ku xardhan yihiin halku dhigyo ay ku difaacayaan Sharafta iyo Cirdiga Nabi Muxamed SCW, waxayna Xukuumadda ka dalbadeen inay fuliso Xukunkii dilka ahaa ee Maxkamadda ay ku ridday Ninka Qoraaga ah.


Boqollaal ka tirsan Ciidamada Bileyska ayaa lasoo dhoobay Waddooyinka waaweyn ee magaalada Nawaak-Shood ee Caasimadda Wadanka Moriteeniya, iyadoona meelaha qaarkood ay isku dhaceen Ciidamada Ammaanka iyo dadka dibad baxayaasha ah, kadib markii Bileysku ay adeegsadeen Sunta dadka ka ilmeysiisa.



Dibad baxyada waxaa sidoo kale ka qeyb qaadanayay qaar ka tirsan Culimada iyo ducaadda ku nool Wadanka Moriteeniya, kuwaas oo Dowladda ka dalbaday inay taageerto Bayaankii ay maalmo ka hor soo saareen Culimada, kuwaas oo ay ku taageereen go’aanka ay Maxkamadda ku gaartay in dil toogasho ah lagu fuliyo Muxamed Sheekh Walad.


Maxkamadda sare ee Dowladda daba dhilifka ah ee Moriteeniya ayaa la filayaa in maanta oo Sabti ah ay dib u eegto dacwaddii lagu soo oogay eedeysnaha loo heysto inuu meel kaga dhacay Nabi Muxamed SCW, iyadoona ay soo baxayaan warar sheegaya in Maxkamadda sare ay dooneyso inay laasho Xadka dilka ah ee lagu riday Ninkaasi.

Related Items