Sawir: Khariirad Cusub oo Soo Bandhigaysa Awoodda Xarakada Al Shabaab Ay Ku Leedahay Dalka Soomaaliya.

Monday November 21, 2016 - 08:49:38 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawir: Khariirad Cusub oo Soo Bandhigaysa Awoodda Xarakada Al Shabaab Ay Ku Leedahay Dalka Soomaaliya.

    Shantii Bilood ee lasoo dhaafay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa dib u qabsanaysay magaalooyin iyo deegaanno istiraatiiji ah oo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shantii Bilood ee lasoo dhaafay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa dib u qabsanaysay magaalooyin iyo deegaanno istiraatiiji ah oo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Al Shabaab ayaa awood melleteri iyo mid siyaasadeed ku leh gudaha dalka waxayna saameyn dhan walba ah ku leedahay inta badan magaalooyinka waaweyn iyo gobollada dalka.

inkasta oo isbahaysi xooggan ay reergalbeedka iyo dowladaha Bariga Afrika usameysteen sidii Shabaabul Mujaahidiin loo wiiqi lahaa hadane Xarakadu wali waa jirtaa iyadoo sidii hore ka xoog badan islamarkaana wax kabadan 100-kun oo askari kula halgeysa gobollada dalka.


Dib ugurashada ay ciidamada Itoobiya ka sameeyeen Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa Mujaahidiinta Soomaalida fursad usiisay in ay baahiyaan awoodooda maamul.

Magaalooyinka iyo degmooyinka gacanta ugu jira xarakada waxaa ka dhisan maamullo islaami ah oo shareecada islaamka tadbiiqiya waxayna maamulladaasi dib usoo celiyeen karaamadii shacabka soomaalida, ammaanka iyo kala dambeynta ayaa ah waxa kaliya ee maamullada Xarakada SHM oo ay qirayaan cadaw iyo saaxiib.

Khariirad cusub oo ay soo saartay Hay’addaWarbaahinta dowladda Ingiriiska BBC ayaa muujinaysa sida Shabaabul Mujaahidiin ay wali u tahay awood jirta.

inkastoo khariiraddu aysan si waafi ah u muujinayn magaalooyinka waaweyn ee gacanta xarrakada kujira hadane waxay calaamadaynaysaa goobaha ay awoodda ku leeyihiin Mujaahidiinta.

AMISOM ayaa horay u sheegtay in 80% Koonfurta Soomaaliya ay gacanta ku hayso islamarkaana ay ka adkaadeen xarakada Shabaabul Mujaahidiin balse sheegashadaasi ayaa aheyd mid been abuur ah oo ay dhaqaale uga raadsanayeen dowladaha reer galbeedka.

http://f.top4top.net/p_3253faiw1.jpg

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items