Mareykanka oo Wuwaadiniintiisa uga digay Weeraro Ka Dhaca Wadamada Qaaradda Yurub.

Tuesday November 22, 2016 - 07:38:07 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo Wuwaadiniintiisa uga digay Weeraro Ka Dhaca Wadamada Qaaradda Yurub.

    War rasmi ah oo kasoo baxay wasaarradda arrimaha dibadda dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in ay jirto suurtagalnimo weyn oo ku aaddan weeraro ka dhici kara wadamo dhaca qaaradda Yurub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay wasaarradda arrimaha dibadda dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in ay jirto suurtagalnimo weyn oo ku aaddan weeraro ka dhici kara wadamo dhaca qaaradda Yurub.

Dowladda Mareykanka waxay uga digtay dhammaan muwaadiniinteeda in xiliyada fasaxa ay u safraan qaaradda Yurub si ay uga badbaadaan weeraro lafilayo in Ururo Islaami ah ku qaadaan Yurub.

Bayaan kasoo baxay wasaarradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in dhicitaanka weeraro hubeysan oo ka dhan ah wamada Yurub uu yahay mid suurtagal ah sidaas daraadeed dadka Mareykanka ah looga digayo in ay tagaan goobaha ay ka dhacaan dabaal degyada iyo suuqyada furan ee laga dukaameysto.


"Macluumaadyada laga aruuriyay waxay muujinayaan in ay suurtagal tahay weeraro hubeysan oo ka dhaca wadamada qaaradda Yurub, waa in ay feejignaadaan muwaadiniinta Mareykanka oo ay ka fogaadaan suuqyada furan iyo goobaha Mahjaraanaadka lagu qabto”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay USA.

Jamaacaad Islaami ah oo uu ka mid yahay Urur weynaha Al Qaacidda ayay Mareykanka uga shakisanyihiin in ay abaabulayaan weeraro lamid ah kuwii ka dhacay wadamada Faransiiska iyo Biljamka.

Digniinta Mareykanku soo saaray ayaa sii jiri doonta illaa 20-ka Bisha Febaraayo sanadda 2017, ma ahan markii ugu horraysay oo dowladda Mareykanka ay soo saarto digniino ku aaddan weeraro jihaadi ah oo lagu beegsado muwaadiniinteeda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
somalimemo@gmail.com

Related Items