Tartankan oo ka dhacay fagaaraha wayn ee macalin Aadan Xaashi loogu
magac daray ayaa ahaa mid indhaha dadkii daawanayay aad usoo jiitay,
fagaaraha waxa xiise gaara usii yeelay jawiga oo ahaa mid neecowda
roobka iyo dooga hadda soo baxay ay isugu biireen.
Odayaasha ka qayb galayay tartanka oo badankoodu ahaa rag da’ah ayaa
tartanka xiiso gaara usii yeelay, waxana kuusoo baxaya sida odayaashii
Soomaaliyeed ay u kala baxeen kuwo sharafta ciziga jihaadka doortay iyo
kuwo caado qaatayaal ah oo u baxay inay waxoogaalaaluush ah kasoo
qaataan lacagta doorashada ee gaalku keenay.
Wakhtiga la bilaabayay rimaayada ama liifka waxa si wayn dhinacyada
nooga muuqday roobab si qurxoon oo saf siman ah u da’aya sida aad
sawirrada ku aragtaa, roobkaasi oo markii dambe kala jaray tartankii
socday dadwaynihiina ay roobkii ka carareen,
Si kadis ah ayaa loo kala dareeray markiidhibicda roobku
bilaabantayiyadoon wax ballan dambe ah loo sheegin dadka iyo wakhtiga
la dhamaystiri doono tartanka isla markaana lagu dhawaaqi doono
natiijada cidda ku guulasatay kaalmaha hore.
Hoos Ka Daawo sawirrada
Daawo Sawirro: Tartanka Shiishka Ee Odayaasha Qabaa'illada Jubbooyinka Oo Lagu Qabtay Magaalada Jilib.
Shalay khamiistii waxaa magaalada Jilib Ee Jubbooyinka dhacay tartan aan noociisa hore loo arag kaasi oo ay liifka ama toogta ku tartamayeen odayaasha ama salaadiinta beelaha daga Jubbboyinka.