Diyaarad Melleteri oo Ku Burburtay Shil ka Dhacay Waqooyiga Wadanka Suuriya.

Sunday December 04, 2016 - 08:57:24 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Diyaarad Melleteri oo Ku Burburtay Shil ka Dhacay Waqooyiga Wadanka Suuriya.

    Wararka ka imaanaya wadanka Suuriya ayaa sheegaya in diyaarad melleteri ay ku burburtay magaalada Xalab ee dhacda waqooyiga wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Suuriya ayaa sheegaya in diyaarad melleteri ay ku burburtay magaalada Xalab ee dhacda waqooyiga wadankaasi.

Wasaaradda difaaca xukuumadda Bashaar Al-asad ayaa lagu xaqiijiyay in diyaarad dagaal ay kusoo dhacday xaafadda Qaadi Al-caskar ee bartamaha magaalada Xalab.

Laba Duuliye oo la socday diyaaradda ayaa ku dhintay shilka sida lagu sheegay warka kasoo baxay xukuumadda Suuriya.

Diyaaradda Burburtay  ayaa la sheegay in cilad dhanka farsamada ah kasoo wajahday matoorka kadibna ay dhulka kusoo dhacday.

Warbaahinta afka nidaamka Suuriya ku hadasha ayaa faafisay sawirrada duuliyaasha ku dhintay shilka  diyaaradeed, magaalada Xalab waxaa ka socda dagaal masiiri ah oo ay xoogaga kacdoonka Suuriya ku doonayaan in ay isaga caabiyaan Ruushka iyo iiraan.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items