Daawo Sawirada :Zako Qeybin Ka Bilaabatay Magaalada Galhareeri Ee Gobolka Galgaduud.

Sunday December 04, 2016 - 19:50:18 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirada :Zako Qeybin Ka Bilaabatay Magaalada Galhareeri Ee Gobolka Galgaduud.

    Maktabka diiwaanka zakada ee wilaayada Islaamiga Galgaduud ayaa maanta howlo zako qeybin ah ka sameeyey WI Galgaduud, taas oo ay ka faa'ideysteen qoysaska danta yar ee ku dhaqan magaaladaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maktabka diiwaanka zakada ee wilaayada Islaamiga Galgaduud ayaa maanta howlo zako qeybin ah ka sameeyey WI Galgaduud, taas oo ay ka faa'ideysteen qoysaska danta yar ee ku dhaqan magaaladaasi.


Zakada maanta la qeybiyey ayaa ahayd kaliya Zakada xoolaha nool gaar ahaan ariga, waxaana loo qeybiyey qoysaska taagta daran ee ku dhaqan magaalada.

Waaliga Wilaayada Islaamiga ee Galgaduud ayaa goob joog ka ahaa fagaaraha lagu qeybinayey Zakada, kaas oo qof waliba gudoonsiinayey xoolaha loo qoondeeyey.

Qaar ka mid ah dadka loo qeybiyey xoolaha ayaa dhankooda aad u soo dhaweeyey xoolaha la siiyey, waxayna Mujaahidiinta ugu duceeyeen in Allaah uu makansiiyo dhulka, sidoo kalena uu ka guuleeyo cadowga soo duulay.



Dadka ayaa lagu qiimeeynayey qof waliba iyo xaalkiisa, waxaana badankood la siinayey ugu yaraan shan neef, halka qaar kalena la siiyey laba ilaa saddex neef oo ari ah.

Halkan ka dhageyso Kalimadda Sheekh Xasan Yacquub Cali MP3

Halkan ka dhageyso codadka dadkii zakada lasiiyay MP3


Daawo Ka Daawo Sawirada.




















Related Items