Xoogaga Mucaaradka Suuriya oo dib uqabsaday Xaafado Katirsan Magaalada Xalab.

Tuesday December 06, 2016 - 10:22:38 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoogaga Mucaaradka Suuriya oo dib uqabsaday Xaafado Katirsan Magaalada Xalab.

    Kadib dagaallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay Bariga magaalada Xalab ee waqooyiga wadanka Suuriya ayay xoogaga Mucaaradka suuriya ugu suurtagashay in ay dib usoo ceshadaan dhul horay looga qabsaday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib dagaallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay Bariga magaalada Xalab ee waqooyiga wadanka Suuriya ayay xoogaga Mucaaradka suuriya ugu suurtagashay in ay dib usoo ceshadaan dhul horay looga qabsaday.



Wararka ka imaanaya Magaalada Xalab ayaa sheegaya in ciidamada Nidaamka Bashaar Al-asad iyo maleeshiyaadka Ajaanibta Iiraan laga qabsaday illaa laba xaafadood oo isbuucii lasoo dhaafay u gacan galay cadawga.

Mid kamida saraakiisha xoogaga Kacdoonka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in xoogagoodu ay dib ula wareegeen dhul ay horay u khasaariyeen.

Diyaaradaha dagaalka dowladda Ruushka ayaa si ba’an uduqeynaya xaafadaha dhaca Bariga magaalada Xalab taasi oo isbahaysiga Iiraan iyo Bashaar Al-asad u suurtagelisay in ay dhul ballaaran dib u qabsadaan.



Dhinaca kale dowladaha Ruushka iyo Shiinaha ayaa fashilyay go’aan cusub oo Q.Midoobe ay ka qaadan laheyd dagaallada magaalada Xalab.

Labadan dowladood oo taageeraya xasuuqa shacabka Suuriya ku socda ayaa awoodda Fiitoowga u adeegsaday qaraar lagu dalbanayay joojinta gummaadka lagu haayo dadka ku hareeraysan waqooyiga Suuriya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
somalimemo@gmail.com

Related Items