30 Qof Kirishtaan Ah oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Kaniisad Kutaal Magaalada Al-Qaahira.

Sunday December 11, 2016 - 13:10:32 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    30 Qof Kirishtaan Ah oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Kaniisad Kutaal Magaalada Al-Qaahira.

    Khasaara xooggan ayaa ka dhashay qarax lala helay Kaniisad ay dadka Nasaarada laga tirada badanyahay ku leeyihiin gudaha wadanka Masar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara xooggan ayaa ka dhashay qarax lala helay Kaniisad ay dadka Nasaarada laga tirada badanyahay ku leeyihiin gudaha wadanka Masar.

Wakaaladda Wararka ufaafisa wadanka Masar ayaa xaqiijisay in ugu yaraan 25 qof ay ku dhinteen gudaha Kaniisadda Qibdiyiinta ee magaalada Al Qaahira.

Taliyaha Booliska xukuumadda Masar ayaa sheegay in Miino lagu xiray gidaarka dambe ee Kaniisadda ay dishay ku dhawaad 30 qof oo dhammaantood ahaa dad ‘Kirishtaan ah’ oo xilligaasi cibaada gaaleed ku sameynayay gudaha Kaniisadda maadaama maanta ay aheyd maalin Axad ah.


Dadka Nasaarada Qibdiyiinta Masar oo aqaliyad ku ah wadanka ayaa can ku ah naceybka ay u qabaan islaamka iyo muslimiinta waxayna mar walba taageeraan xukuumadaha melleteriga ee wadankaasi inqilaabka ku qabsaday talada Masar.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items