160 Qof Kirishtaan Ah oo Ku Dhintay Wadanka Naigeria Kadib Markii Ay Kaniisad Kusoo Duntay.

Monday December 12, 2016 - 08:20:13 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    160 Qof Kirishtaan Ah oo Ku Dhintay Wadanka Naigeria Kadib Markii Ay Kaniisad Kusoo Duntay.

    Waxaa sii xoogeystay khasaaraha dhimasho iyo ka dhashay burburka kaniisad weyn oo dadka Kirishtaanka ah ay ku lahaayeen Koonfur Bari wadanka Naigeria.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawirka kaniisadda burburtay
Waxaa sii xoogeystay khasaaraha dhimasho iyo ka dhashay burburka kaniisad weyn oo dadka Kirishtaanka ah ay ku lahaayeen Koonfur Bari wadanka Naigeria.

Wararka ka imaanaya Naigeria waxay sheegayaan in dhimashadu ay gaartay 162 qof oo dhammaantood ahaa dad Nasaara ah oo xilligii ay Kaniisaddu soo dumaysan ku guda jiray Cibaado gaaleed gelinkii hore ee maalintii Axadda.

Duqa magaalada Awyo oo ah magaalada ay kutaal Kaniisadda ayaa sheegay in si lama filaan ah uu usoo dumay saqafka sare ee Kaniisadda waxaana 20 daqiiqo gudahood dhintay dad ka badan 60 qof.

Wasiirka arrimaha gudaha Naigeria ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in dhimashadu ka badantahay 162 qof waxaana laga cabsi qabaa in tobaneeyo qof oo dhaawacyo halis ah qaba ay ku dhintaan isbitaallada.


Mas’uul katirsan xukuumadda Naigeria ayaa si dirqi ah uga badbaaday shilka dhimashada dhaliyay, Ninkan oo guddoomiye gobol ah ayaa xilligii kaniisaddu soo dumeysan wax uu ugu yeeray Cibaado ku sameynayay kaniisadda wuxuuna xilligaas hareer taagnaa Sanam uu caabudayay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items