Warbixin: Weerarada Kusii Xoogeysanaya Mudisho iyo duleedkeeda Saameyn intee la Eg Ayay ku Yeelan Karaan Doorashooyinka Dowladda Federaalka?.

Monday December 12, 2016 - 08:20:13 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin: Weerarada Kusii Xoogeysanaya Mudisho iyo duleedkeeda Saameyn intee la Eg Ayay ku Yeelan Karaan Doorashooyinka Dowladda Federaalka?.

    Howlgallada Jihaadiga ah ee Xarakada Al Shabaab ayaa kusii xoogeysanaya magaalooyin dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerarkii Hotel Ambasadoor wuxuu kamid ahaa weeraradii ugu xooganaa ee caasimadda ka dhaca
Howlgallada Jihaadiga ah ee Xarakada Al Shabaab ayaa kusii xoogeysanaya magaalooyin dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Xarakada Al Shabaab oo dagaal kula jirta kumanaan katirsan ciidamada 6 dowladood Afrikaan ah iyo maleeshiyaadka maamul goboleedyada Soomaalida ayaa dadaal dheeri ah ugu jirta sidii ay uwiiqi laheyd dhammaan danaha shisheeye ee ku wajahan dalka gumeysiga kujira ee Soomaaliya.

10-kii maalmood ee lasoo dhaafay Xarakada Al Shabaab waxay dalka Soomaaliya ka fulisay howlgallo dhiig badan looga daadiyay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka.


Bishii October 2016 tobanaan Askari oo katirsan ciidamada Uganda iyo Burundi ayaa lagu dilay weeraro toos ah iyo qaraxyo ka dhacay gobollada Sh/dhexe iyo Sh/Hoose.

Howlgallada ugu saameynta badan ayay ciidamada qarsoon ee Xarakada Al Shabaab waxay ka fulinayaan 16-ka degmo ee gobolka Banaadir.

Weerarada istish-haadiga ah toogashada tooska ah iyo qaraxyada lagu dhajiyo gaadiidka mas’uuliyiinta dowladda Federaalka ayaa kusii xoogeysanaya magaalada caasimadda ah.

Maalmihii Sabtiga iyo Axadda sedax weerar oo is xigxigay ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, weeraarkii Siinka dheer waxaa lagu dilay 10 askari halka weerarkii shalay ka dhacay kasoo Horjeedka Dekadda Muqdisho lagu dilay 40 askari oo saraakiil ay kamid ahaayeen.

Falanqeeyayaasha arrimaha siyaasadda iyo ammaanka waxay sheegayaan in sare u qaadista weerarada Shabaabul Mujaahidiin ee magaalada caasimadda ah ay hakad gelin karto doorashooyinka ugu yaraana ay walaac daran ku beeri karto waxa loogu yeero beesha caalamka.

Siyaasiyiin reer galbeed ah iyo saraakiil caddaan ah oo qorshaynayay in ay ku dhax lugeeyaan degmooyinka gobolka Banaadir si ay u dhiiri geliyaan doorashooyinka ayaa ka baaqsaday waxayna soo dhaafi waayaan xerada Xalane oo saldhig weyn ay ku leeyihiin dowlado reer galbeed ah iyo Ciidanka AMISOM.

Weeraradan sii xoogeysanayaan waxay fadeexad ku yihiin laamaha ammaanka dowladda Federaalka oo wax ka badan 1000 jeer ku faanay in ay sugeen ammaanka caasimadda!.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
somalimemo@gmail.com

Related Items