Dhageyso: Muxaadaro Ku Saabsan Bidcada udabaal degga Mowliidka Waxaa Jeedinaya Sheekh Jaamac Cabdi Salaam.

Monday December 12, 2016 - 09:32:18 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 4 2
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Muxaadaro Ku Saabsan Bidcada udabaal degga Mowliidka Waxaa Jeedinaya Sheekh Jaamac Cabdi Salaam.

    Sanad walba marka lagaaro bisha Raabicul Awal ayay kooxaha Suufida qeybahooda kala duwan waxay dhigaan munaasabado ballaaran oo ay ku sheegayaan in ay ugu dabaal degayaan dhalashada Nabi Muxamed SCW.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sanad walba marka lagaaro bisha Raabicul Awal ayay kooxaha Suufida qeybahooda kala duwan waxay dhigaan munaasabado ballaaran oo ay ku sheegayaan in ay ugu dabaal degayaan dhalashada Nabi Muxamed SCW.

Hay’ado reer galbeed ah iyo kuwa shiico ah ayaa dhaqaale malaayiin dollar ah ku bixiya dabaal degga mowliidka!, waa bidco la doonayo in diin looga dhigo dadka islamarkaana lagu fitneeyo muslimiinta.

Culimada islaamka ayaa isku raacsan in xaaraam ay tahay dabaal degyada Mowliidka oo asal ahaan ay soo agaasimeen dad cadaw ku ah islaamka iyo muslimiinta.

Soomaaliya waxay kamid tahay meelaha sida aadka ah looga oogo Bidcadan waloow gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka oo Maamullo islaami ah ka jiraan 10-kii sanadood ee lasoo dhaafay aan laga dhigin bidcadan dadka ku dhaqana ayba iska hilmaameen.


Hadaba sheikh Jaamac Cabdi Salaam oo kamid ah culimada Soomaaliyeed ayaa jeediyay muxaadaro kooban oo uu uga digayo bidcada mowliidka isagoo si faah faahsan uga hadlay waxa ay shareecada Islaanmku ka qabto Mowliidka.

Halkan ka dhageyso Sheekh Jaamac oo ka hadlaya waxa Shareecaa islaamka ka qabto Mowliidka MP3


Isha Maqalka: Radio Alfurqaan

Related Items