Daawo: Ciidamada Nidaamka Suuriya iyo Maleeshiyaad Shiico Ah oo Gummaad Daran Ka Wada Magaalada Xalab!.

Tuesday December 13, 2016 - 13:46:40 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Ciidamada Nidaamka Suuriya iyo Maleeshiyaad Shiico Ah oo Gummaad Daran Ka Wada Magaalada Xalab!.

    Xasuuqii ugu darnaa Abid ayay maleeshiyaadka shiicada iiraan iyo ciidamada Nidaamka Bashaar Al-asad ka geysanayaan magaalada Xalab ee dhacda Waqooyiga wadanka Suuriya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xasuuqii ugu darnaa Abid ayay maleeshiyaadka shiicada iiraan iyo ciidamada Nidaamka Bashaar Al-asad ka geysanayaan magaalada Xalab ee dhacda Waqooyiga wadanka Suuriya.

Wararka ka imaanaya Xalab ayaa sheegaya in ciidanka Nidaamka Al-asad ay dagaal ku qabsadeen inta badan degmooyinka gobolka Xalab oo horay ay u maamulayeen kooxaha mucaaradka hubeysan.

Ku dhawaad 150 qof shacab ah ayay ciidamada dowladda Suuriya iyo maleeshiyaadka Ajaanibta ah ku daldaleen xaafadaha Alfirdows iyo Sheekh Saciid ee Bariga Magaalada Xalab.

Telefeshinka Al Jazeera ee afka carabiga ku hadla ayaa soo sheegay in xasuuq ba’an uu ka socdo magaalada iyadoona diyaaradaha dagaalka Ruushka ay dhanka cirka ka duqeynayaan shacabka Xalab ku dhaqan.


Maleeshiyaadk ku qeylinaya halku dhigyo shirki ah oo katirsan Iiraan iyo Ururka Xisbullaah ayaa dadka musliminta sunniga ah ku tooganaya waddooyinka iyo guryaha.

Wariyaal ayaa soo sheegay in 95% ciidamada dowladda Suuriya iyo maleeshiyaadka shiicada ay qabsadeen magaalada Xalab ayna geysanayaan xasuuq wadareed reergalbeedka iyo iiraan soo qorsheeyeen.

Jamaacaadka hubeysan ee magaalada ka dagaallamayay ayaa la sheegeen in loogu awood sheegtay xaafadaha qaar balse waxay ka dagaallamayaan xaafadaha fara kutiriska ah ee xurta ah.




Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
somalimemo@gmail.com

Related Items