Halkii Madfac RPG Ah oo Dagaalyahanka Al Shabaab uu La Helo Anteenada Shirkadda Safaaricom Wuxuu Sababayaa Khasaara dhan $250000 Warbixin Rasmi Ah.

Thursday December 15, 2016 - 08:48:54 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Halkii Madfac RPG Ah oo Dagaalyahanka Al Shabaab uu La Helo Anteenada Shirkadda Safaaricom Wuxuu Sababayaa Khasaara dhan $250000 Warbixin Rasmi Ah.

    Dagaalka ay dowladda Kenya uga jirto dalka Soomaaliya ayaa halakeeyay dhaqaalaha iyo ammaanka wadankaasi kadib weeraro isdaba joog ah oo qaadeen ciidanka Xarakada Al Shabaab oo ka Jawaabaya duullaanka daandaansiga ah ee Kenya kusoo qaadday dadka Soom

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safaaricom ayaa sheegtay in ay khasaara Lixaad leh kala kulantay weerarada Al Shabaab
Dagaalka ay dowladda Kenya uga jirto dalka Soomaaliya ayaa halakeeyay dhaqaalaha iyo ammaanka wadankaasi kadib weeraro isdaba joog ah oo qaadeen ciidanka Xarakada Al Shabaab oo ka Jawaabaya duullaanka daandaansiga ah ee Kenya kusoo qaadday dadka Soomaaliya.

Weerar maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay degmooyin iyo deegaanno katirsan dhulka Soomaalida NFD ee gumeysiva kujira ayaa khasaara lixaad leh dhabarka loogu saariyay mid kamida shirkadaha ugu dhaqaalaha badan wadanka Kenya.

War rasmi ah oo kasoo baxay maamulka shirkadda isgaarsiinta Safaricom ayaa lagu sheegay in weeraro ay Ciidamada Al Shabaab ka fuliyeen duleedka magaalada Mandheera ay sababtay khasaara malaayiin dollar ah islamarkaana ay jirto baqdin ah in shirkaddu ay joojiso shaqadii ay ka wadday dhul ballaaran oo dalka Kenya katirsan.


Agaasimaha guud ee shirkadda Safaricom ee dowladda Kenya leedahay ayaa warbaahinta u sheegay in halkii madfac RPG ah oo mujaahidiinta Al Shabaab ay lahelaan Taawarka ama anteenada Safaricom ayaa sababaya khasaara dhan 250000$ oo lacagta dollarka Mareykanka ah.

Bob Collymore oo ah mas’uulka ugu sarreeya Safaricom ayaa wareysi uu siiyay Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya wuxuu ku sheegay in Al Shabaab ay burburiyeen illaa iyo 6 Taawar oo midkiiba uu ku fadhiyo adduun dhan Rubac Milyuun dollar waana khasaara lixaad leh oo shirkadda isgaarsiinta Kenya ay kala kulmayso weerarada dagaalyahanada Al Shabaab.

maalmihii lasoo dhaafay ayay ciidamada Mujaahidiintu ku burburiyeen xarumuhii shirkadda safaaricom ku laheyd haluuq,dhamase iyo deegaan dhaca duleedka magaalada Mandheera sidoo kale weeraro ka dhacay deegaanka Laamu ayaa lagu gubay dhismayaal ay laheyd shirkadda safaricom oo dowladda Kenya bil walba ka hesho lacago malaayiin dollar ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items