Daawo: Dad Ku Xoola Beelay Abaaraha Daran Ee Ku Dhuftay Gobollada Dalka Soomaaliya.

Thursday December 15, 2016 - 11:04:53 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Daawo: Dad Ku Xoola Beelay Abaaraha Daran Ee Ku Dhuftay Gobollada Dalka Soomaaliya.

    Abaaro saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada ayaa lagasoo sheegayaa gobollada dhaca Waqooyi Bari Soomaaliya iyo waqooyi Galbeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abaaro saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada ayaa lagasoo sheegayaa gobollada dhaca Waqooyi Bari Soomaaliya iyo waqooyi Galbeed.

Boqolaal neef ayaa bakhtiyay kuwa kalane xaaladooda ayaa laga dayrinayaa kadib abaaraha oo ku raagay dhulka miyiga ah.

Wararka ka imaanaya gobollada Bari iyo Nugaal ayaa sheegaya in abaaro daran ay sababeen barakaca illaa iyo 700,000 qofood kuwaasi oo gaaray magaalooyinka waaweyn.

Degmada Jirriiban waxaa la sheegay in Nin oday 60 sana jir ah uu isku daldalay kadib markii uu waayay boqolaal kamid ah xoolihii uu dhaqanayay.


Culimaa’udiin iyo waxgarad deegaanka ah ayaa Gargaar deg deg ah u dalbay dadka ku tabaalaysan abaaraha saf mareenka ah.

Gobollada Sanaag,Sool Togdheer, Bari iyo Mudug waa meelaha ugu daran oo ay ka jiraan abaaraha waxaana laga cabsi qabaa in kumanaan neef ay bakhtiyaan haddii raxmadda alle aysan soo degdegin.

Hay'adaha Q.Midoobe ee sheegta in ay howllo gargaar ku joogaan dalka Soomaaliya ayaan wax kaalma ah gaarsiin dadka abaaruhu halakeeyeen ee ku sugan qeybo katirsan dalka arrinkaasi oo banaanka soo dhigaya in magaca soomaaliya ay lacago uga qaataan caalamka.

abaar1
Hoos Ka Daawo muuqaallo Naxdin leh oo Telefeshinka Al Jazeera kasoo qaaday gobollada Abaaruhu kajiraan.


Related Items