Xasuuq Cusub oo Ka Dhan Ah Muslimiinta Rohinga oo Ka Socda Wadanka Baarma.

Saturday December 17, 2016 - 09:51:04 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xasuuq Cusub oo Ka Dhan Ah Muslimiinta Rohinga oo Ka Socda Wadanka Baarma.

    Wadanka Baarma muslimiinta laga tirada badanyahay ayaa wajahaya xasuuq daran oo uga imaanaya dhanka maleeshiyaadka mushrikiinta Buudhiyiinta ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadanka Baarma muslimiinta laga tirada badanyahay ayaa wajahaya xasuuq daran oo uga imaanaya dhanka maleeshiyaadka mushrikiinta Buudhiyiinta ah.

Hay’adaha sheegta in ay u doodaan xuquuqul insaanka ayaa soo calaamadeeyay in maalin walba xasuuq iyo kufsi jamaaci ah uu ka dhaco gobolka Araakaan ee muslimiinta Rohinga deganyihiin.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada melleteriga oo taageeraya kooxo xagjirayaal Buudhiyiin ah  ay howlgallo xasuuq ah ka wadaan dhowr deegaan oo ay muslimiintu leeyihiin.

Tobaneeyo tuulo iyo masaajid ayaa lagubay halka dhimashadu 50 qof ka badantahay sedaxdii maalmood ee lasoo dhaafay, Urur ay leeyihiin muslimiinta Rohinga oo dibad joog ah ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay haween iyo carruur lagu gubay meel ku dhow xadka ay wadaagaan Baarma iyo Banghaladesh.


Afhayeen u hadlay Q.Midoobe ayaa sheegay in 86 qof lagu dilay weeraradii ugu dambeeyay islamarkaana labarakiciyay dad ka badan 27-kun oo qof.

Wasiiradda arrimaha dibadda Barma Aan soonjii ayaa beenisay in ciidamadeedu ay Xasuuq ugeysanayaan dadka muslimiinta ah iyadoo eedaymahaasi ku tilmaamtay dacaayad rakhiis ah!.

Xukuumadda Buudhiyiintu ku badanyihiin ee Baarma kajirta ayaa ku adkeysanaysa in aysan xasuuqin muslimiinta waana isku day jiha wareerin been abuur ah.

Dowladda Malaysia oo kamid ah ayaa isbuucii lasoo dhaafay ugu baaqday dowladaha dhaca Koonfur bari qaaradda Asia in ay faragelin melleteri ku qaadaan Baarma si muslimiinta loo badbaadiyo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items