Video: Taliban oo Soo Bandhigtay Maxaabiis Reer Galbeed ah oo Ay Gacanta Ku Dhigtay.

Wednesday December 21, 2016 - 10:26:30 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Video: Taliban oo Soo Bandhigtay Maxaabiis Reer Galbeed ah oo Ay Gacanta Ku Dhigtay.

    Video Cusub oo lagu baahiyay baraha Internetka waxaa kasoo muuqanaya laba Muwaadiniin reer galbeed ah kuwaasi oo gacanta ugu jira xoogag jihaadi ah oo dalka Afghanistan ka dagaallama.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Joshua Boyle iyo Caitlan Coleman ayaa kasoo muuqday Video
Video Cusub oo lagu baahiyay baraha Internetka waxaa kasoo muuqanaya laba Muwaadiniin reer galbeed ah kuwaasi oo gacanta ugu jira xoogag jihaadi ah oo dalka Afghanistan ka dagaallama.

Xarakada Islaamiga Taliban Afghanistan ayaa soo bandhigay reer galbeed ah oo muddo sanada ah gacanta ugu jiray.

Maxaabiistan oo kala ah nin Canadian ah iyo Xaaskiisa oo American ah iyo labo carruura oo ay iska dhaleen inta ay ku jiraan gacanta Imaarada Islaamiga ah ee Afghanistan waxaana la qabtay sanadkii 2012-kii.

Labadan Muwaadin ee maxaabiista ah ayaa lagu kala magacaabaa Joshua Boyle iyo Caitlan Coleman waxaana lagusoo bandhigay Video la daawan karo Afar daqiiqo iyo ilbiriqsiyo.


Xarakada Taliban ayaa sii daynta maxaabiistan reergalbeedka ah shardi uga dhigtay in lasii daayo tobaneeyo dagaalyahano Mujaahidiin ah oo ku xiran xabsi kuyaal magaalada Kaabul kuwaasi oo lagasoo qabtay dhanka wadanka Baxreyn.


Related Items