Sheekh Max'med Abuu Osama Waaliga wilaayada Islaamiga Sh/Hoose ayaa faah faahin dheeri ah ka bixiyay howlgal lagu qabtay Askari Yugaandheys ah oo ka dhacay deegaan katirsan gobolkaasi.
Waaliga ayaa wareysi dhinacyo badan taabanaya uga hadlay xaaladda guud ee
gobolka Sh/hoose.
Abuu Osma oo si kooban uga hadlay qabashada askariga Yugaandheyska ah ayaa yiri
"Howlgal qorshaysan oo ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen wilaayada Shabeelaha
Hoose waxay kusoo qabteen Askari katirsan cadawga gaar ahaan gaalada Uganda”.
Dhinaca kale Sheekh Abuu Osama ayaa soo hadal qaaday roobabka xilliga Dayrta oo
ka curtay degmooyin iyo deegaano katirsan gobolka.
illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin taliska ciidanka Uganda oo ku saabsan askariga looga qabtay deegaanno Katirsan wilaayada Sh/Hoose.
Halkan ka degso Wareysiga Waaliga Sh/Hoose MP3
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo. Muqdisho
[email protected]
Sheekh Abuu Osama "Ciidamada Mujaahidiinta Ayaa Howlgal Gaar Ah Ku Qabtay Askari Yugaanadheys Ah" Dhageyso.
Sheekh Max'med Abuu Osama Waaliga wilaayada Islaamiga Sh/Hoose ayaa faah faahin dheeri ah ka bixiyay howlgal lagu qabtay Askari Yugaandheys ah oo ka dhacay deegaan katirsan gobolkaasi.