Daawo Video: Dagaal Gamaha Layskula Tagay oo Magaalada Kampala Ku Dhaxmaray ilaalada Alsisi iyo Museveni.

Thursday December 22, 2016 - 10:00:24 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 4.5/5 Stars) Total Votes: 2
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Daawo Video: Dagaal Gamaha Layskula Tagay oo Magaalada Kampala Ku Dhaxmaray ilaalada Alsisi iyo Museveni.

    Socdaal uu dhawaan madaxweynaha dalka Masar ku tagay wadanka Uganda ayaa dhalisay murun iyo is qabqabsi u dhaxeeya saraakiisha labada dowladood.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Socdaal uu dhawaan madaxweynaha dalka Masar ku tagay wadanka Uganda ayaa dhalisay murun iyo is qabqabsi u dhaxeeya saraakiisha labada dowladood.

Dagaal ay gacmaha iskula tagateen ilaalada madaxtooyada Yuweri Museveni iyo Cabdi Fataax Alsiisi ayaa ka dhacay magaalada Kampala ee caasimadda Uganda.

Video lagu baahiyay baraha internetka waxaa kasoo muuqanayay ilaalada labada madaxtooyada oo dagaal ay gacmaha isku adeegsadeen uu dhaxmarayo.

Saraakiisha Madaxweynaha Uganda ayaa ka hor istaagay ciidamada ammaanka Alsiisi iyo wafdigii la socday in ay gudaha ugalaan dhismaha madaxtooyada Kampala.


Warbaahinta ayaa sheegtay in murun iyo khalalaasa dhanka ammaanka ah uu hareereeyay kulankii Alsiisi iyo Museveni dhaxmaray kaasi oo looga hadlayay mashruuc ku saabsan in harada Fiktooriya lagu xiro badda cas.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in socdaalka Cabdi Fataax Alsiisi uu salka ku haayay awood dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo uu uga hortagayo qulqulka madaxda carbeed ay ku tagayaan Addis Ababa.

Itoobiya ayaa 4 bilood kadib qorshaynaysa in ay daaha ka furto biya xireenka weyn ee Al-Nahda iyadoona biyaha ka leexin doonto wabiga Niil.

Dowladaha Masar iyo Suudaan ayaa arrintan walaac ka muujinaya waxayna wadaan isbahaysiyo istiraatiijiyadeed iyo kuwa siyaasadeed oo ka dhan ah Itoobiya sida socdaalka Alsiisi uu ku tagay wadanka Uganda.

Related Items