14 Askari oo Melleteri Turkiga looga Dilay Dagaallo Ka Dhacay Gobolka Xalab Ee Dalka Suuriya.

Thursday December 22, 2016 - 10:20:24 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    14 Askari oo Melleteri Turkiga looga Dilay Dagaallo Ka Dhacay Gobolka Xalab Ee Dalka Suuriya.

    Khasaarihii ugu xooganaa Abid ayaa ciidanka Turkiga kasoo gaaray dalka Suuriya tan iyo markii ay xukuumadda Ankara go'aamisay in ay ku biirto duullaanka lagu qaaday waqooyiga wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaarihii ugu xooganaa Abid ayaa ciidanka Turkiga kasoo gaaray dalka Suuriya tan iyo markii ay xukuumadda Ankara go'aamisay in ay ku biirto duullaanka lagu qaaday waqooyiga wadankaasi.

Wararka ka imaanaya waqooyi Bari gobolka Xalab ayaa sheegaya in qaraxyo iyo dagaallo ka dhacay duleedka magaalada Al-Baab lagu dilay ugu yaraan 14 Askari oo saraakiil kamid yihiin.

War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda difaaca Turkiga ayaa lagu sheegay in 14 Askari looga dilay dagaallo iyo qaraxyo is xigxigay islamarkaana 33 kale looga dhaawacay.

Ragga Firfircoon ee soo tabiya dagaalka Suuriya ayaa sheegay in khasaraaha gaaray Melleteriga Turkiga uu ka badanyahay inta ay xukuumaddu qiratay.


Melleteriga Turkiga oo ku qalabaysan gaadiidka gaashaaman iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa taageera lixaad leh siinaya maleeshiyaad katirsan mucaaradka dhax dhaxaadka Suuriya kuwaasi oo doonaya in ay qabsadaan Al Baab illaa iyo magaalada Manbaj.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items