Ciidanka DF-ka oo Qof Shacab Ah Ku Dilay Degmada Balcad Ee Sh/dhexe.

Saturday December 24, 2016 - 11:35:54 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka DF-ka oo Qof Shacab Ah Ku Dilay Degmada Balcad Ee Sh/dhexe.

    Maleeshiyaad katirsan dowladda Federaalka ayaa falal dhac iyo dilal ah ka gaysanaya degmooyin iyo deegaano katirsan gobolka Sh/dhexe ee dhaca duleedka waqooyi ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maleeshiyaad katirsan dowladda Federaalka ayaa falal dhac iyo dilal ah ka gaysanaya degmooyin iyo deegaano katirsan gobolka Sh/dhexe ee dhaca duleedka waqooyi ee magaalada Muqdisho.

Wararka ka imaanaya degmada Balcad ayaa sheegaya in mid kamida maleeshiyaadka DF-ka uu toogasho ku dilay qof shacab ah.

Goob joogayaal ayaa sheegay in askariga uu toogtay Nin darawal ah oo kaxaynayay mid kamida gaadiidka dadweynaha ee isaga kala goosha Muqdisho iyo Jowhar.

Ruuxa ladilay ee shacabka ah ayaa diiday in uu bixiyo lacago baad ah oo ay waydiisteen maleeshiyaadka isbaaradu utaal agagaarka Buundada degmada Balcad.


Dhinaca kale isbaarooyin hor leh ayaa lasoo dhigay deegaanada Goololeey iyo Garsaale oo ku teedsan wadada laamiga ah ee xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar.

Dadweynaha isaga kala goosha degmooyinka gobolka Sh/dhexe ayaa walaac ka muujinaya isbaarooyinka faraha badan ee lasoo bilqay waddooyinka gobolka.

Liibaan Jeexoow  Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
somalimemo@gmail.com

Related Items