Booliska Talyaaniga oo Toogasho Ku Dilay Ninkii Mas'uulka Ka Ahaa Weerarkii Magaalada Baarliin.

Saturday December 24, 2016 - 11:35:54 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Booliska Talyaaniga oo Toogasho Ku Dilay Ninkii Mas'uulka Ka Ahaa Weerarkii Magaalada Baarliin.

    Maamulayaasha wadanka Talyaaniga ayaa ku dhawaaqay in ay toogasho ku dileen Nin Muslim ah oo lagu tuhunsanyahay in uu mas'uul ka ahaa weerar 12 qof lagu dilay oo arbacadii lasoo dhaafay ka dhacay wadanka Jarmalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulayaasha wadanka Talyaaniga ayaa ku dhawaaqay in ay toogasho ku dileen Nin Muslim ah oo lagu tuhunsanyahay in uu mas'uul ka ahaa weerar 12 qof lagu dilay oo arbacadii lasoo dhaafay ka dhacay wadanka Jarmalka.

Wararka ka imaanaya Talyaaniga waxay sheegayaan in ciidanka Booliska magaalada Milan ay toogteen Uneys Al-Caamiri oo kasoo jeeda dalka Tuunis kaasi oo gaari xamuul ah jiirsiiyay dad u dhashay dalka Jarmalka xilli ay ka tukaamaysanayeen goob suuq ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Al-Caamiri uu iska hor’imaad hubeysan lagalay booliska magaalada Milan kadibna la toogtay balse dowladda Talyaaniga ayaa arrinkaasi beenisay.



Weerarada kaligii duulnimo ee muddooyinkii dambe kusoo badanayay wadamada qaaradda Yurub ayaa gallaaftay nolosha Boqolaal qof reergalbeed ah.

Liibaan Jeexoow  Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items