Faah Faahin: Ku Dhawaad 100 Qof oo Ku Dhimatay Burbur Diyaaradeed oo Ka Dhacay Wadanka Ruush-ka.

Sunday December 25, 2016 - 18:40:42 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin: Ku Dhawaad 100 Qof oo Ku Dhimatay Burbur Diyaaradeed oo Ka Dhacay Wadanka Ruush-ka.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya burbur diyaaradeed oo maanta ka dhacay magaalo katirsan wadanka Ruush-ka iyadoona khasaara lixaad leh uu ka dhashay shilkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya burbur diyaaradeed oo maanta ka dhacay magaalo katirsan wadanka Ruush-ka iyadoona khasaara lixaad leh uu ka dhashay shilkaasi.

Dowladda Ruush-ka waxay ku dhawaaqday in dhammaan ay dhinteen dadkii la socday diyaaradda oo cadadkoodu gaarayay 93 qof.

Wasaaradda difaaca Russia ayaa xaqiijisay in dadka ku dhintay shilka diyaaradeed 64 kamida ay ahaayeen kooxda Music-ka Alaskandaroof oo ah koox taabcsan melleteriga Ruushka ee ku duulay wadanka Suuriya.

Madaxweyne Ruushka ayaa ugu baaqay xukuumadda in ay baaritaan dheeri ah ku sameyso sababta shilka dhalisay waxaana jira caro ay dadka Ruushka ah ka muujinayaan dhilalka soo noqnoqday.


Sidoo kale dadka dhintay waxaa kamid ah Saxafiyiin caan ka ah wadanka Ruushka iyo madaxda Hay'ado Gargaar sida ay baahisay shabakadda Russia Today ee Afka xukuumadda ku hadasha.

Diyaaradda la waayay waxay kusii jeeday Saldhigga lagu magacaabo Xumeymiim ee kuyaalla magaalada Laadiqiyah ee galbeedka Wadanka Suuriya.

Wararku waxay intaas ku darayaan in diyaaradda oo ay la socdeen boqol qofood in la waayay 20 daqiiqo kadib markii ay ka duushay Garoonka lagu magacaabo Sochi ee Koonfurta dalkaasi.

Garoonka Xumeymiim ee galbeedka dalka Suuriya waxa uu saldhig Meliteri u yahay Dowladda Ruushka, iyadoona halkaas ay ku sugan yihiin Boqollaal ka tirsan Ciidamada Ruushka ee howl-gallada ka wada dalkaasi, waxaa sidoo kale Garoonkaasi kasoo kaca diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ee duqeymaha ka geysanaya gobollada kala duwan ee dalka Suuriya.

أجزاء من حطام الطائرة العسكرية الروسية التي سقطت في البحر الأسود قرب منتجع سوتشي
ترسل روسيا طائرات من طراز تي يو 154 إلى سوريا باستمرار

Related Items