Daawo: Dagaal laayaan Ah oo lafilayo in uu Dib Uga Qarxo Wadanka Koonfurta Suudaan.

Monday December 26, 2016 - 08:00:55 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Dagaal laayaan Ah oo lafilayo in uu Dib Uga Qarxo Wadanka Koonfurta Suudaan.

    Malaayiin qof oo ku dhaqan Wadanka Koonfurta Suudaan ayaa bilaabay in ay isaga barakacaan guryahooda kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in dagaal sokeeye uu markale dib ubilaabanayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Malaayiin qof oo ku dhaqan Wadanka Koonfurta Suudaan ayaa bilaabay in ay isaga barakacaan guryahooda kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in dagaal sokeeye uu markale dib ubilaabanayo.

Warbixin kasoo baxday ‘Q.Midoobe’ ayaa lagu sheegay in dagaal Baabi’in guud ah uu ka dhici doono Koonfurta Suudaan haddii dhinacyada hubeysan aysan xal ka gaarin khilaafaadkooda.

Dad ku sugan Magaalada Caasimada ah ee Jubba waxay sheegeen in ay dareemayaan dhaq dhaqaaqyo melleteri oo ay wadaan ciidanka xukuumadda.

Warbixinadu waxay walaac ka muujinayaan suurtagalnimada dagaal lagu baaba’o waxaana colaadda dhinac ka hurinaya dowladaha dariska ah sida Uganda iyo Dowladda Sudan.


Falanqeeyayaasha ayaa aamisan in dhinacyo reergalbeed ah ay iyana colaadda ku lug leeyihiin sida shiinaha iyo Mareykanka oo ku loolamaya keydadka shidaalka wadankaasi.

Dhinaca kale Kulan ay golaha 'ammaanka Q.Midoobe' ku yeesheen magaalada New York ayay ku guul darraysteen in cunaqabateyn dhanka hubka ah kusoo rogaan K.Suudaan.

Koonfurta Suudaan oo ka go’ay Suudaan sanaddii 2011 waxaa lagasoo sheegayaa macluul daran iyo colaaddo saameeyay malaayiin qof.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items