Xildhibaanada Baarlamaanka Cusub Ee DF-ka oo Lagu Dhaariyay Magaalada Muqdisho.

Tuesday December 27, 2016 - 18:29:11 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanada Baarlamaanka Cusub Ee DF-ka oo Lagu Dhaariyay Magaalada Muqdisho.

    Kadib munaasabad ballaaran oo maanta ka dhacday xarunta School Polizio ee magaalada Muqdisho ayaa lagu dhaariyay xildhibaanadda cusucub ee dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib munaasabad ballaaran oo maanta ka dhacday xarunta School Polizio ee magaalada Muqdisho ayaa lagu dhaariyay xildhibaanadda cusucub ee dowladda Federaalka.



Munaasabadda waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin horay uga tirsanaa dowladda Federaalka balse waqtigoodu dhammaaday.

Boqolaal katirsan Xildhibaanada Baarlamaanka dabadhilifka ah ayaa la dhaariyay, 243 xildhibaan ayaa ku sugnaa madasha hoolka lagu dhaariyay xildhibaanada.

Cismaan Cilmi Boqorre oo horay usoo noqday guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka DF-ka  ayaa si KMG ah loogu magacaabay guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka DF-ka.



Xildhibaanada ayaa Kitaabka qur’aanka Kariimka ah gacanta saaray waxayna ku dhaaranayeen dastuurka gacan ku sameyska DF-ka ah in ay ixtiraamayaan arrinkaasi oo ah jees jees.

Jawaari oo horay u ahaa guddoomiyaha Baarlamaankii hore oo khudbad kooban ka jeediyay munaasabaddii dhaarinta ayaa sheegay in uusan jirin wax maamul ah oo aan ka aheyn midka baarlamaanka cusub.

Baarlamaanka Dhaaquut-ka dowlada Federaalka ayaa lagusoo doortay laaluush shaqada ugu horraysa ee baarlamaankaan qaban doona ayaa ah in uu doorto guddoomiye baarlamaan kadibna Madaxweyne u caysan dowladaha shisheeye.

Dhammaan baarlamaanadii soo maray dowlada Federaalka ayaa ciidamada AMISOM iyo kuwa Itoobiya in ay qabsadaan magaalooyin iyo degmooyin katirsan dalka Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
somalimemo@gmail.com

Related Items