Kenya oo Sedax Bilood Dheeri Ah Ku Dartay Bandawgii Saarnaa Gobolka 'Waqooyi Bari".

Wednesday December 28, 2016 - 10:36:11 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya oo Sedax Bilood Dheeri Ah Ku Dartay Bandawgii Saarnaa Gobolka 'Waqooyi Bari".

    Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in ay u caalwaysay weerarada hubeysan ee kaga imaanaya dagaalyanahada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraro dhiig ku daatay ayaa ka dhacay duleedka mandheera
Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in ay u caalwaysay weerarada hubeysan ee kaga imaanaya dagaalyanahada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Kenya ayaa sheegtay in weerarada Al Shabaab ay kusii xoogeysteen gobolka gumeysiga kujira ee NFD islamarkaana ay waqti dheeri ah ku dartay bandawgii saarnaa gobolkaasi.

joseph Nkaissary oo ah wasiirka arrimaha gudaha Kenya ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Nairobi wuxuu ku sheegay in sedax bilood dheeri ah ay ku dareen bandawgii saarnaa gobolka ‘ Waqooyi Bari’.

Dowladda Kenya ayaa ku amartay dadka deggan Mandheera iyo magaalooyinka kale oo ay Wajeer kamid tahay in aysan guryahooda ka bixi Karin 6:30 Maqribnimo illaa 6:30 aroornimo.


Booliska Kenya ayaa sheegay in ciidamo dheeri ah ay u dirayaan deegaanada Carabia,Fiino,Lafeey iyo Ceelwaaq oo dhammaantood ah meelaha ugu daran oo ay ka dhacaan weerarada ay fuliyaan ciidamada Al Shabaab.

Lix bilood bandaw ah oo horay loogusoo rogay gobolka Waqooyi Bari ayaan baajin weerarada isdaba joogga noqday ee xarakada Al shabaab ay fulinayso.

Boqolaal qof Kenyaan ah ayaa labadii sanadood ee lasoo dhaafay lagu dilay weeraro ay ciidamada Xarakada Al Shabaab ka fuliyeen Mandheera iyo duleedkeeda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items