5 Askari oo Ciidanka Burundi looga Dilay Sh/dhexe iyo Qarax ka Dhacay Degmada Jalalaqsi.

Wednesday December 28, 2016 - 17:02:42 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    5 Askari oo Ciidanka Burundi looga Dilay Sh/dhexe iyo Qarax ka Dhacay Degmada Jalalaqsi.

    Khasaara lixaad leh ayaa ciidamada AMISOM kasoo gaaray qaraxyo markale lagula eegtay degmooyin katirsan Gobollada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara lixaad leh ayaa ciidamada AMISOM kasoo gaaray qaraxyo markale lagula eegtay degmooyin katirsan Gobollada Hiiraan iyo Sh/dhexe.



Wararka ka imaanaya degmada Jalalaqsi ayaa sheegaya in qarax xoogan maanta duhurkii lagula beegsaday ciidamo katirsan AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti.

Wariye ku sugan gobolka Hiiraan ayaa SomaliMeMo khadka Taleefanka ugu sheegay in miino dhulka lagu aasay ay ku qaraxday ciidamo Jabuutiyaan ah xilli ay ku dhax lugaynayeen  degmada Jalalaqsi.

Markii qaraxu dhacay daqiiqado kadib ayay ciidamada Jabuuti damiyeen dhammaan shirkadaha isgaarsiinta ee ka howlgala degmadaasi.



Goob joogayaal ayaa sheegay in khasaara dhimasho iyo dhaawac ah uu ciidanka Jabuuti kasoo gaaray qaraxii maanta, dhinaca kale wararka laga helayo Sh/dhexe waxay sheegayaan in qarax lala helay kolonyo katirsan ciidanka Burundi xilli ay ku socdaalayeen duleedka deegaanka Biya Cadde ee duleedka degmada Mahadaay.

Ugu yaraan 5 Askari ayaa ciidamada Burundi looga dilay qaraxii maanta halka dhaawaca askarta uu gaaray 1 Askari sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in mid kamida gaadiidka gaashaaman ee ciidamada AMISOM lagu burburiyay qaraxa waana qaraxii 5-aad oo isbuucaan kaliya ciidanka Burundi lagula eegto sh/dhexe.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
somalimemo@gmail.com

Related Items