Warar Dheeraad Ah oo Ku Saabsan iska Hor'imaad Lagu Dilay Taliye Ku Xigeenkii Ciidanka ilaalada Villa Somalia.

Saturday December 31, 2016 - 19:35:21 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Warar Dheeraad Ah oo Ku Saabsan iska Hor'imaad Lagu Dilay Taliye Ku Xigeenkii Ciidanka ilaalada Villa Somalia.

    Warar faah faahsan ayaa kasoo baxaya iska hor'imaad xooggan oo maanta gudaha madaxtooyada Villa Somalia ku dhaxmaray ilaalada gaarka ah ee Xasan Sheekh Maxamuud.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ciidamo shisheeye oo ilaala ka haya Villa Somalia
Warar faah faahsan ayaa kasoo baxaya iska hor'imaad xooggan oo maanta gudaha madaxtooyada Villa Somalia ku dhaxmaray ilaalada gaarka ah ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Taliye ku xigeenkii ciidamada qasriga madaxtooyada ayaa ku dhintay toogasho ka dhacday gudaha Villa Somalia kadibna waxaa xigay iska hor’imaad fool ka fool ah oo laba ciidan dhax maray.

Col.Cabdi Cabdulle Qoorgaab oo ay isku dhowaayeen Xasan Sheekh Maxamuud ayaa toogasho lagu dilay kadibna waxaa xigay tacshiirado lays dhaafsanayay.

Xiisada colaadeed oo u dhaxeeya ciidamada ilaalada ka haya Villa Somalia ayaa lagasoo sheegayaa albaabada laga galo madaxtooyada, ilo wareedyo ayaa sheegaya in khilaafka keenay dilka taliye ku xigeenkii Madaxtooyada uu salka ku haayo lacago mushaaraadka ah oo uu lunsaday Col.Qoorgaab.


Wararka qaar ayaa sheegaya in qaab beeleed ay isku maageen maleeshiyaadka dagaallamay, warar xog ogaal ah waxay sheegayaan in ciidamada AMISOM ay kala eryeen ciidamadii dagaalamay islamarkaana ay la wareegeen dhammaan fadhiisimadii ay ku sugnaayeen ciidanka soomaalida ah.

Dilka taliye ku xigeenka Villa Somalia ayaa kusoo beegmaya waqti xasaasiyad gaar ah ay ka dhax jirto hoggaanka DF-ka kuwaasi oo tartan ugu jira sidii ay markale kuraasta ugusoo laaban lahaayeen.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
somalimemo@gmail.com

Related Items