Gaari Gaashaaman oo Ciidamda AMISOM looga Gubay Duleedka Garoonka Ballidoogle Ee Sh/hoose.

Saturday December 31, 2016 - 19:35:21 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaari Gaashaaman oo Ciidamda AMISOM looga Gubay Duleedka Garoonka Ballidoogle Ee Sh/hoose.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ciidamada shisheeye ee duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya kasoo gaaray weerar markale lagula beegsaday galbeedka magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ciidamada shisheeye ee duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya kasoo gaaray weerar markale lagula beegsaday galbeedka magaalada Muqdisho.

Wararka ka imaanaya wadada laamiga ah ee xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo ayaa sheegaya in qarax lala helay gaari gaashaaman oo ay la socdeen ciidamada AMISOM uu sababay dhimasho iyo dhaawac iyo burbur gaari.

Maanta duhurkii ayay miino dhulka lagu aasay burburisay gaari Gaashaaman oo ay la socdeen ciidamo Yugaadheys ah, war kasoo baxay xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in gabi ahaanba gaarigu uu burburay waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday ciidamadii la socday.


Qaraxa oo ka dhacay wadada laamiga ah ee xiriirisa Yaaqbariweyne iyo Leego ayaa hakiyay socodka kolonyo gaadiid ah oo dhanka Leego kusii jeeday.

Dad socota ah ayaa sheegay in ay arkeen gaari burburay oo ciidamada AMISOM dhanka Garoonka diyaaradaha Ballidoogle usii jiidanayaan.

Weerarada dhabagalka ah iyo qaraxyada loo adeegsado miinooyinka lagu aaso waddooyinka ayaa halakeeyay sahay isku gudbinta ciidamada shisheeyaha AMISOM ee kusoo duulay dalka Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
somalimemo@gmail.com

Related Items