Dagaallo Culus oo Dib Uga Qarxay Wadanka Suuriya Kadib Xabad Joojintii Mucaaradku Saxiixeen.

Saturday December 31, 2016 - 19:35:21 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaallo Culus oo Dib Uga Qarxay Wadanka Suuriya Kadib Xabad Joojintii Mucaaradku Saxiixeen.

    Wararka ka imaanaya wadanka Suuriya ayaa sheegaya in dagaallo culus ay dib uga qarxeen inta badan furimaha dagaalka saacado kadib markii uu dhaqan galay heshiis xabad joojin ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Suuriya ayaa sheegaya in dagaallo culus ay dib uga qarxeen inta badan furimaha dagaalka saacado kadib markii uu dhaqan galay heshiis xabad joojin ah.

Kooxaha mucaaradka qunyar socodka Suuriya waxay sheegeen in ciidamada Bashaar Al-Asad iyo maleeshiyaadka Ururka Xisbullaah ay duullaan qorshaysan ku qaadeen mandiqadda waadi Al-Bardah ee duleedka magaalada Dimishiq.

Ragga Firfircoon ee soo tabiya kacdoonka Suuriya ayaa sheegay in ciidamada Nidaamka Suuriya iyo maleeshiyaadka shiicada ay Jabiyeen xabad joojinta islamarkaana ay qabsadeen dhowr deegaan oo duleedka Dimishiq dhaca.


Mucaaradka ayaa ugu baaqay dowladda Ruushka in si degdeg ah ay gacmaha uqabato nidaamka Bishaar Al-asad haddii kale ay ka bixi doonaa heshiiskii xabad joojinta ahaa.

Isbaheysiga iiraan iyo dowladda Suuriya oo sida muuqata ka faa’iidaysanaya xabad joojinta ayaa isku dayaya in ay qabsadaan dhul hor leh.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items