Ciidamo Itoobiyaan Ah oo isku Dhiibay Xoogaga Gobanima doonka iyo Dibad Baxyo Ka Dhacay Magaalada Gambeela.

Saturday December 31, 2016 - 20:45:54 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Ciidamo Itoobiyaan Ah oo isku Dhiibay Xoogaga Gobanima doonka iyo Dibad Baxyo Ka Dhacay Magaalada Gambeela.

    Wararka ka imaanaya gudaha wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in iska hor'imaadyo xooggan ay dhaxmareen dadka kacdoonka wada iyo ciidanka Booliska ee sida Melleteriga utababaran.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qowmiyadda Oromada ayaa hoggaaminaysa Kacdoonka Itoobiya
Wararka ka imaanaya gudaha wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in iska hor'imaadyo xooggan ay dhaxmareen dadka kacdoonka wada iyo ciidanka Booliska ee sida Melleteriga utababaran.

Magaalada Gambeella ee galbeedka Itoobiya dhacda ayaa lagasoo sheegayaa in kacdoonno ka dhan ah xukuumadda ay ka bilaawdeen, mucaaradka ku kacsan xukuumadda Addis Ababa ayaa sheegay in tobaneeyo guri ay ku gubteen rabshadaha ka socda magaalada Gambeela.

Isgaarsiinta Taleefanada iyo khadka Internetka ayay jareen melleteriga Itoobiya waxaana lasoo sheegayaa tacadiyo ka dhan ah dibad baxayaasha oo ay ciidanku geysanayaan.


Dhinaca kale wararka laga helayo dhulka Somaligalbeed ee gumeysiga kujira ayaa sheegaya in 24 Askari oo katirsanaa maleeshiyada Itoobiya ee Liyuu Boolis ay isku dhiibeen xoogaga gobanima doonka.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay waxay sheegeen ciidamada ka goostay dowladda Itoobiya ay iska dhiibeen Dahnaq oo katirsan dhulka Somaligalbeed.

Xoogaga Xureynta Somaligalbeed waxay sheegeen in ciidanka isku dhiibay ay hubka kala wareegeen islamarkaana ay si wanaagsan ula dhaqmeen oo ay meel ammaan ah ku suganyihiin.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items